Wefdi Ka Socda Dawlada Turkiga Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=1365ff49532648cb&attid=0.3&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1333055216888&sads=jifnLQ3dqDM0k3B3LHC1ebVm2dU&sadssc=1Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa caawa fiidkii qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi balaadhan oo ka socda Dawlada Turkiga, Safiirka Dawlada Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Kani Torin ayaa Madaxweynaha uga waramay ujeedada booqashadooda oo

 

noqonay tii labaad ee mudo laba todobaad gudohood ah ay wefdi ka socda dalka Turkigu ku yimaadaan Somaliland. sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay caawa qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa fiid kii hore  Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti Balaadhan oo ka Socda Dawladda Turkiga oo uu hogaaminaayo Safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Dalkaasi, AMBASSADOR Mr. KANI TORUN, Weftigaas oo ka kooban 6 xubnood oo shalay gelinkii danbe Booqasho ku yimid Somaliland,
Weftigan oo noqonaya kii labaad ee ka socda dawlada turkiga ee muddo laba todobaad  ku siman gudeheeda Dalka yimaada.
Waxa ay madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay sii xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo wax-wada qabsiga labada Waddan, iyaga oo xusay inay booqashadoodani ku xidhiidhsan tahay Booqasahdii ay dhawaan halkan ku yimaadeen Madaxdii Hay’ada   TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR.


Safiirka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Kani  isagoo ka hadlaaya sida ay dawladda turkigu diyaarka ugu tahay inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo waxyaabaha ay doonayan inay ka caawiyaan dalka, Waxa uu sheegay in ay dawladiisu doonayso inay Somaliland wax kala qabato oo ay gacan weyn ka geysato dhinacyada wax-barashada, Deeqaha Wax-barashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Adeegyada kale ee Aas-aasiga intaba.
Waxa kale oo uu xusay inay dhawan dalka iman doonan Khubaro turki ah  oo qiimayn ku samayn doonta Meelaha u baahan in ay dawladiisu ka caawiso Somaliland iyo mugga baahidu intay tahay.
Waxa kale oo uu xusay inay dib u dhis ku samayn doonan goobaha taariikhiga ah ee ay turkigu hore uga sameeyeen dalka Somaliland.
Safiirku waxa uu intaasi ku daray in uu cisbitaalka guud ka mid yahay meelaha ay Khubaradaasi qiimayn doonto isla markaana ay dawlada turkigu dhakhso gacan buuxda uga geysan-doonto baahida qalab iyo wixii la mid ah ee uu qabo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahooda ku jirto dhismaha laba Dugsi-sare oo turki ah oo ay Somaliland ka fulinayaan, iyo in ay Somaliland iyo turkigu is waydaarsadaan macalimiinta Dugsiyada iyo kor u qaadida aqoontooda, dhinaca kale waxa uu safiirku sheegay inay Somaliland iman-doonaan shirkado iyo ganacsato waa weyn oo turki ah maal-gashina ku samayn doonaan Somaliland.
Ugu danbayna waxa uu safiirku madaxweynaha u muujiyey xiisaha ay dawladiisu u hayso wax la qabsiga Somaliland, isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay dawladiisu dhawaan martiqaad u fidin doonto madaxweynaha Somaliland, oo ay kulmi doonan ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo madax kaleba.
Waxa intaa dheeraa amaan balaadhan oo uu safiirku u soo jeediyey hanaanka dawladnimada ka hana qaaday Somaliland iyo sida ay wax u qabsatay intaba.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=1365ff49532648cb&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1333055687029&sads=807wVTQLePflwlDHeZ4p4MqhEys
Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo weftiga dalka ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu dawladda Turiga, safiirka, iyo xubnaha weftiga ee booqashada ku weheliya uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland iyo niyadsamida ay la yimaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu ka waramay xaalada guud ee dalka iyo inay hanaanka dawladnimada somaliland ka hana qaaday,  ku dhisan tahay rabitaanka shacbiga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu tafaasiil ka bixiyey sida ay shacbiga iyo Dawlada Somalilandba uga go’antahay dhismaha iyo horu-marka dalku, iyo baahida ay Somaliland u qabto gacan qabashada iyo taageerada beesha caalamka.
Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay xidhiidhka taariikhigaa ee u dhaxeeya Somaliland iyo turkiga, waxaanu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo xidhiidhka, wax-wada qabsiga iyo isu soo dhawaanshaha labada wadan.
Intaa waxa dheer oo ay labada dhinacba (Xukuumada Somaliland iyo weftiga turkiga) soo dhaweyeen in ay shirkada diyaaraha ee turkigu duulimaadyo ka bilowdo somaliland, lagana wada hawl-galo suurta galnimadeeda.
Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey
Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr.Sacad Cali Shire
Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirku  ku-Xigeenka W/Arrimaha Dibadda , Mawliid Maxamuud Ibraahim

XubnahaWeftiga:-
Ambassador Mr. Kani Torun
Dursun Erman Birdal, Deputy Head of Mission
Kamil Kolabas, Advisor, Istanbul Metropolitan Municipality iyo 3 xubnood oo kale
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=1365ff49532648cb&attid=0.5&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1333055618113&sads=GTQYqzhliflGAqjGNlt1axsYJRo

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *