Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland ayaa magaacis iyo xil ka qaadis ku sameeyay Masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saaka waaberigii kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo ku saxeexanyahay Af-hayeenka madaxtooyadda C/llaahi Daahir Cukuse oo u

 

qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta  iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka JSL.

Markuu La Tashaday:                Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha  Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

NO    MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB    WASAARADDA LOO MAGACAABAY     XILKA LOO MAGACAABAY
1    Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case)
(Xil Hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL)    Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda    Agaasime Guud
2    Mudane, Abiib Axmed Cali    Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska    Agaasime Guud
3    Mudane, Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo)    Wasaaradda Dib-u-dejinta    Agaasime Guud
4    Mudane, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey)    Maareeyaha Madbacadda Qaranka    Maareeye

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane, Cabdiraxmaan Cawil Xasan
Madaxweynuhu:-
Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay.
Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case), oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *