ciro oo k hadlay HaatufHargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman

Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si adag u dhaleeceeyay xukunka maxkmadda gobolka Hargeysa ku riday maanta Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda in xoriyadooda loo celiyo masuuliyiinta la xukumay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maanta warbaahinta la hadlay, wuxuu ku tilmaamay qaabka xukunkaasi u dhacay mid aan sharci ahayn oo aan waafaqsanayn xeerka Saaxaafadda Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxan Doonayaa in aan weedho kooban ka idhahado Xukunkii saaka lagu riday Masuuliyiinta Haatuf, Guddoomiyihii iyo Tifatirahaba  iyo waliba Xaruntii wargeyska oo rusqadii lagala noqday, Somaliland waa qaran aynu doonayno in aynu wadda daafacno iyo in aynu wadda dhisno, iyo in aynu Ictiraaf raadino, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in ay jirto saxaafad hor ah, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in xoriyatulqawl jirro, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in Xuquuqal insaanka la ilaaliyo, Xukunka Maxkamada Haatuf waynu sugaynay, laakiin sidda la iisheegay saaka Subaxdii  hore aniga oo xafiiska fadhiya waxa dhacay waxa dhaqanka garsoorka ku cusub, oo ah Maxkamad xukunkeed oo la midi-roorteyey, iyada oo aanay joogin eheladii Yuusuf iyo Tafatiruhu, iyada oo aanay joogin saxaafadu, iyada oo aanay joogin Nimankii u doodayey Masuuliyiinta Haatuf, iyada oo loo diiday dadkii farro ku tiriska ahaa ee goobta Joogay, iyada oo nidaamka maxkamadda ka baranay ay hayd in maxkamaddu noqoto mid furan.”Ayuu yidhi

Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu ku tilmaamay mid aan loo marin nidaamka garsoorka. Sidaa awgeed aanu ahayn go’aanka Maxkamaddu mid cadaalad ah, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi, “ Si adag ayaan u Cambaareynaynaa Qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haaddii xukunku cadaalad yahay may jirteen sabab xukunka loo qaariyo oo heleda looga qariyo oo saxaafada looga qariyo, waxanay u eegtay in xukunkaasi si cadaalad ah aanu u dhicin, waxaanu xukumada ugu baaqaynaa in la soo celiyo Madaxbanaanidii garsoorka Somaliland, kana madaxbanaanado wax kasta oo siyaasad ku saabsan, waxaanu xukumada ugu baaqayna in xoriyadooda u soo celiso Masuuliyiinta Haatuf, waxay ahayd in xeerarka saxaafada lagu maamulo xukunka suxufiyiinta balse waxa iska cad in aan xeerkii lagu dhaqmin laguna xukumin, oo xeerar kale lagu maamulay, waxanu u soo jeedinaynaa in saxaafada Sideedaba lagu maamulo xeerka saxaafadda, arrintaasi waa Farriin aanu u dirayno Xukumada, Garsoorka iyo Beesha caalamkaba.”Ayuu yidhi Cirro

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *