Hargeysa (ANN) “Inaynu hore u talaabsano oo aanu u gudubno Casri iyo wakhti la socda dhinac walba inaynu gaadhno waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay,” sidaa waxa yidhi,  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo

maanta xadhiga ka jaray carwadii shanaad ee shirkadaha wadaniga ahi kusoo bandhigaan wax soo saarkooda iyo badeecadaha kala duwan ee ay dalka keenaan.
 


 
Carwadaa oo laga furay dhismaha xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxa uu  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo   kormeeray dhamaan goobaha ay shirakaduhu kusoo bandhigeen badeecadihii ay keeneen carwada, isagoo  halkaa ka jeediyey khudbad dhiirigelin ah, taas oo uu ku bilaabay, sidan;- “Waxa farxad weyn maanta ii ah inaan ka soo qeybgalo Carwadii shanaad ee dalkeena, waxaan ku faraxsanay inay maanta intaas oo dad ahi isku timi, inaga oo muujinayna in dadkeena iyo dalkeenu  uu wax qabsan karo, iyo halka uu gaadhi karo farsamooyinka uu maanta ku talajiro inuu hirgeliyo dhinaca ay doonto ha noqotee, dhinaca isgaadhsiinta, Beeraha, dhinaca wax soo saarka kala duwan iyo farsamooyinka loo baahanyahay oodhan” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isagoo ay wejigiisa ka muuqato farxad iyo dhoolacadayni, isla markaana la dhacsan waxyaabaha lagu soo bandhigay halkaa ee waxsoosaarka ganacsiga shirkadaha dalka iyo qaababka kala duwan ee ay horumarkooda farsamada casriga ah ku muujiyeen shirkaduhu. Ka dib markii ay shirkada ugu wayn isgaadhsiinta ee Telesom soo bandhigtay  adeega (Camera Online)  oo ah qalab inta badan maqal uun ku ahaa  dadweynihii iyo madaxdii ka soo qaybgalay furitaanka carwada.
 
Iyadoo Shirkada Telesom adeega isgaadhsiinta ee maqalka  iyo muuqaalka  ah (Camera Online)  si furan ugu suurta gelisay in  Madaxweynaha oo ku sugan xarunta Carwada  dhexdeeda uu la hadlo isaga oo arkaya  dhamaan Badhasaabada ku sugan gobollada dalka  Jamhuuriyada Somaliland, isagoo si kooban uga waraystay xaalada deegaanada ay ku nool yihiin iyo dadweynuhu ku sugan yihiin. Waxayna dhamaan gudoomiyeyaasha goboladu salaameen Madaxweynaha, kuwaas oo siiyay warbixino kooban.  Arrintaa oo inta badan  ku  cusbayd dadweynaha ayaa noqotay talaabo dhoola-tus ah oo ay shirkadani ku muujinaysay awoodeeda iyo sida ay uga faa’iidaystay aqoonta Tiknoolajiyada ee wakhtigan dunida laga isticmaalo.
Madaxweynaha oo markaa kadib ka hadlaya dareenkiisa arrintaa ayaa waxa uu yidhi; “Inaynu hore u talaabsano oo aanu u gudubno Casri iyo wakhti la socda dhinac walba inaynu gaadhno waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay, waa mid hadii aan madaxweynihii qaranka ahay aan diyaar u ahay inaan qaadno talaabo kasta dhiirigelinaysa wax soo saarka, iyo hal-abuurka dadweynaha reer Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Wuxuuna xadhiga ka jaray Carwada.
 
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Cabdiraxmaan Faarax Sugaal ayaa Madaxweynaha faahfaahin ka siiyay rugta ganacsiga iyo hawlaha ay qabto, isaga oo sheegay inay muhiimada laga leeyahay  tahay sidii ay shirkadaha kala duwan ee Somaliland ugu  noqon lahayd  Suuq-gayn, isla-markaana ay shacabkooda u soo bandhigaan wax soo saarkooda.
 
Masuuliyiinta iyaguna halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa  Wasiirka Ganacsiga oo sharaxaad ka bixiyay faa’iidada ay carwadani u leedahay bulshada iyo shirkadaha wadanka. Waxaana uu tilmaamay inay noqonayso halbeeg ay xukuumada lafteedu ku ogaanayso, si ay qiimayn dhab ah uga hesho waxqabadkooda.
Sidoo kale waxa Furitaankii Carwadan goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaraddaha  Warfaafinta Cabdilaahi Ismaaciil (Geel-jire), Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, dadweyne aad u tira badan iyo marti sharaf kale.

 
Inkasta oo badeecadaha lagu soo bandhigay halkaa intooda badani ahaayeen waxyaabo ay  ganacsi u keenaan shirkadaha soo bandhigay, balse aanay ahayn wax soo saar dhab ah oo wadanka gudihiisa kasoo baxay, marka laga reebo dhawr shirkadood oo fara ku tiris ah.
 
Hase yeeeshee bandhiga shirkadaha ee ganacsoga badeecadaha kala duwan ee dalka lagu farsameeyay,  kuwa ay sameeyaan shirkado shisheeye iyo kuwa kasoo baxay dalka gudihiisuba, waxay fursad u noqonayaan dadweynaha, kuwaas oo   nasiib u helaya  inay wax kasta oo halkaa  lagu iibinayo ku helaan qiimo aad uga jaban ka suuga lagaga  iibinayo.  Carwadaa oo soconay mudo todobaad ah ayaa noqonay tii shanaad ee nooceeda ah ee lagu soo bandhigo dalka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *