Guntarimagearaweelonewsarchive

Mandheera(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqday  go’aanka dacwad xaasaasi ah oo ka dhan ah Mr. Guntar  Bischoss, oo u dhashay dalka Jarmalka , kaas oo ku eedaysanaa  inuu falal dhaqan xumo ah ku sameeyay gabdho  Reer Somaliland ah, waxaana lagu riday xukumo

 

kala duwan oo isugu jira Ciqaab,Ganaax lacageed iyo masaafurin. Sidoo kale waxa iyana xukun ciqaab iyo ganaax lacageed ah maxkamaddu ku riday   Haweenay  u dhalatay Somaliland oo la wadaagtay eedaha loo haysto Mr. Guntar. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay  Qareen Bashiir Xuseen Cabdi oo ka mid ah labada qareen ee ay Xukuumadda Somaliland u qabatay inay difaacaan Mr. Guntar.

Garsooraha Maxkamadda C/rashiir Duraan ayaa kaga  dhawaaqay xukunada kala duwan ee labadaa Eedaysane Hoolka dhismaha Dugsiga Tababarka ee Mandheera oo qiyaastii 80km kaga beegan dhinaca Barriga Magaaladda Hargeysa, waxaana Maxkamaddu ku xukuntay Eedaysanaha koowaad Mr. Guntar  Bischoss  4 sannadood oo xabsi ah, $ 10,000 (toban kun oo dollar) oo ganaax ah iyo in laga masaafuriyo dalka Somaliland marka uu dhamaysto xukunkaa oo aanu weligii dib ugu soo laaban Karin Somaliland.

Sidoo kale Eedaysanaha labaad oo ah haweenayda u dhalatay Somaliland ee la wadaagtay dacwada ayaa Maxkamaddu ku xukuntay xukun ciqaab oo ah hal sanno oo xadhig ah iyo 5mly oo lacagta Somaliland oo ganaax ah.
Labada eedaysane iyo Qareenada difaacayay ayaa  maxkamadda ku sugnaa markii  uu garsoore C/rashiir Duraan ku dhwaaqay xukunka. Iyadoo ay maxkamadda goob joog ka ahaayeen suxufiyiin ka socday warbaahinta Somaliland iyo dadweyne kiiska la socday oo dhegeysanayay.
Qareen Bashiir oo ka mid ah labada qareen ee difaacayay labada Eedaysane ayaa shebekadda wararka ee Araweelonews weydiisay sida uu u arko go’aanka maxkamadda iyo inay anbiil ka qaadanayaan, wuxuuna yidhi, “waan ka fiirsanayaa dhinacayga inaan anbiil ka qaadano kiiskaa.”
Maxkamadda oo hore uga bilaabantay Dugsiga Tababarka Mandheera  ayaa loo fadhiistay laba fadhi 25 Dec, 2010 iyo 29 Dec, 2010 ee sannadkii hore oo halkaa lagu dhegeystay kiiska loo haysto Ninkaa Mr. Guntar iyo gabadh u dhalatay Somaliland, waxaana lagu eedeeyay ninkaa jarmalka ah inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan anshaxa iyo dhaqanka Islaamka. 

Dacwaddaa oo ah mid xaasaasi ah ayaa ka bilaabantay Sabtidii 25/12/2010, Hool ku yaala  Dugsiga Tababarka Mandheera oo markii u horaysay la dhegeystay, waxaana   mar kale loo fadhiistay 29 Dec, 2010. Iyadoo Maxkamadda horteeda la keenay saddex markhaati oo Dacwad oogayaasha ka socday Xeer Ilaalinta Gobolka Hargeysa keeneen Maxkamadda, kuwaas oo markii Garsooraha dacwada qaadayay C/rashiid Duraan Maxkamadda horteeda ku dhaariyay  halkaa ka sheegay wixii ay ka ogaayeen denbiga Mr. Gunter iyo Haweenaydaa loo haysto.

Dacwad oogayaasha  Xeer ilaalintu waxa kaloo ay Maxkamadda  horteeda keeneen 17 sawir oo isugu jiray kuwo waraaqo xaashiyo ah lagu daabacay iyo kuwo kale oo ku jiray cajalad (Flash Disc). Sawiradaa  ayay  xeer ilaalintu ku dooday inuu qaaday Mr. Gunter, kuwaas oo ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen.
Laakiin Labada eedaysane ayaa Maxkamadda horteeda ka dafiray Sawiaadaa, waxayna sheegeen inaanay garanayn sawiradan goorta laga qaaday iyo sida looga qaaday, marka laga reebo  haweenayda oo sheegtay inay garanayso mid ka mid ah sawirada oo ay kula jirto eedaysanahan jarmalka ah oo ay ugu yeedhaysay Cabdifataax iyo wiil yar oo ay iyadu dashay ayaa ku tilmaantay sawiradaa kuwo laysu geeyay oo aanay waxba ka jirin, Waxayna  ku dooday in  samaynta iyo isu gaynta sawiradaa uu masuul ka yahay  mid ka mid ah markhaatiyaasha dambiga ku cadaynayay oo ay eedaymo kala duwan u jeedisay.

Mr. Gunter oo ah Nin jarmal ah mudo dheer ku noollaa Somaliland, isla markaana guursday gabadh u dhalatay Somaliland  ayaa ciidanka Bilaysku horaantii Nov, 2010 u taxaabeen xabsiga. Kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka, iyadoo eedaymaha lagu sheegay inuu sawiro iyo muuqaalo Video ah, ka qaaday haween Somaliland ah oo qaawan.

Markii ay dad baddan oo ka mid ah Bulshada oo ninkaa aqoon u lahaa, ama maqlay ku war heleen in xabsiga loo taxaabay iyo falalka lagu eedeeyay, waxay taasi ku noqotay sheeko ka yaabisay, iyadoo dacwadda kiiska oo la doonayay in lagu dhegeysto maxkamadda Degamadda ee Hargeysa laga wareejiyay daba yaaqadii bishii hore. Kadib markii muran dhinaca sharciga ahi ka dhashay awooda iyo derejada maxkamadda kiiskaa qaaday, balse markii danbe loo wareejiyay Maxkamadda gobolka hargeysa, laakiin kiiskaa oo noqday mid xaasaasi ah, isla markaana abuuray saxmad iyo jawi cabsi geliyay dhinaca garsoorka. Kadib markii boqolaal  qof oo doonayay inay wax ka ogaadaan kiiskaa kusoo xoomeen maxkmadda ayaa loo wareejiyay dhinaca degmadda mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil oo laba fadhi lagu dhegeystay kiiska, iyadoo ay  Maxkamaddu maanta  ku dhawaaqday  go’aankeeda ay ku saartay xukunada kala duwan ee ciqaabta ah  iyo ganaaxa lacagta ee ay ku riday labada eedaysane. 

Mr. Guntar oo sannadii u danbeeyay sheegan jiray inuu Islaamay oo uu la baxay Magaca C/fataax, ayaa fadhigii ugu danbeeyay ee dhegeysiga kiiska loo haysto Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu yahay nin Kiristaan ah, isla markaana aanu weligii qaadan Diinta Islaamka. Mr. Guntar  wuxuu fulin jiray mashaariic uu ka qaadan jiray Ha’yaddaha, isagoo mashaariicdaa qaarkood ka fulin jiray xaafaddaha dadka saboolka ahi ku baddan yihiin ee magaaladda Hargeysa iyo meelo kale. Sidoo kale wuxuu lahaa ganacsi goob lagu farsameeyo khadka Printarka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *