Hargeysa(ANN)Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa marar baddan ku celcelisay in mudadii Xukuumadda cusub uu kordhay dakhilaga ilaha dhaqaalaha ee dalka. kadib markii ay meesha ka saartay qorshihii iyo maamulxumadii ay ku tilmaantay inay masuul ka ahaayeen maamulkii ay xilka kala wareegeen

 

ee xukuumaddii Rayaale.
Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo oo xiligii kaanbaynka balanqaaday inay wax ka qabanayso habaynta ilaha dhaqaalaha dalka si ay uga dhabayso balanqaadyadeedii ayaan soo bandhigin waxyaabo cadaynaya jiritaanka korodhka dakhliga ee goobaha Kastamadda dalka, taas oo la filayo inay ku muujiso mala awaalka miisaaniyad sannadeedka la filayo inay maalmaha soo socda u gudbiso gollaha wakiiladda Somaliland. Haseyeeshee Madaxweyne  Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyay shalay inay xukuumaddu gebi ahaanba mushaharooyinka u kordhisay Ciidamadda Qaranka iyo shaqaalaha dawladda, iyadoo loo kordhiyay 100%  sannadka cusub ee hada bilaabmay. Dhawaaqa Madaxweyne Siilaanyo waxa weheliyay Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo isaguna ku sheegay waraysi uu xalay siiyay wargeyska Haatuf inay xukuumaddu iyadoo fulinay balanqaadkii Madaxweynaha ee xiligii kaanbaynka u kordhisay ciidamadda iyo shaqaalaha mushaharka 100%. Sidoo kale wuxuu Eng. Xaashi waraysigaa ku sheegay in aan Ardayda Dugsiyada laga qaadayn lacagtii hore looga qaadi jiray oo sida uu xusay ka bilaabmay sannadka cusub, isla markaana ay shaqo geliyeen oo musharooyin loo qoray 1500 (kun iyo shan boqol) oo macalimiin ah oo aan hore wax mushahar ah u qaadan jirin.
Talaabada ay xukuumaddu ku go’aansatay kordhinta mushaharooyinka Ciidamadda iyo shaqaalaha ayaa si weyn loogu riyaaqay, waxayna farxad iyo yididiilo gelisay inta baddan bulshada Somaliland, iyadoo talaabadani noqotay mid si cad u muujisay  maamulxumadii iyo musuq-maasuqii ay Xukuumadda cusubi farta ku fiiqi jireen xiligii ay mucaaridka ahaayeen oo ay xukunka haysay xukuumaddii Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee 26 Jun 2010.
Sida ku cad xogo ay shebekadda Araweelonews heshay oo la xidhiidha korodha dakhliga ee goobaha Kastamadda dalka, waxa kor u kacay dakhliga cashuuraha mudadii Xukuumadda cusub, taas oo muujinay sida ay wasaaradda Maaliyadu culayska u saartay habaynta goobaha ilaha dhaqaalaha ee dalka, isla markaana waxay xisaabaadka dhaliga ee shebekadda Araweelonews heshay si weyn u iftiiminayaan in goobaha kastamada qaarkood dakhliga kasoo baxa ee cashuuruhu laban laabmay, marka loo eego sannadkii hore bishan oo kale heerkii uu marayay dakhliga kasoo xerooda goobahaa.
Is barbardhiga bishii Desembar ee 2009 iyo Desember 2010  ayaa muujinaya faraqa u dhexeeya iyo heerka korodhka dakhilaga ee 15 goobood oo Kastamadda dalka ah. Sida ku cad shaxdan muujinay boqolkiiba inta korodhay goob kasta iyo dakhligii kasoo xeroon jiray markii hore.

 

Kastamka Dakhliga Devember 2009 Dakhliga    December 2010   Farqiga Korodhka: Boqolley/Percentage

No

Kastamka

Dakhliga December 2009

Dakhliga December 2010

Farqiga

Korodhka: Boqolley/Percentage

1.

Berbera

17,703,626,893

22,840,150,133

5,136,523,240

.29.0

2.

Kala-baydh

3,254,191,329

5,436,521,463

2,182,330,134.

671

3.

Hargeysa

1,872,203,597

401,139,008

1,471,064,589

-78.6

4.

Saylac

795,148,051

913,156,635

118,008,584

14.8

5.

Boorame

199,504,647

236,804,613

37,299,966

18.7

6.

Burco

165,624,247

182,811,899

17,187,652

10.4

7.

Caynaba

78,583,272

63,374,532

-15,208,740

-19.4

8.

C/Caddo

134,587,388

67,796,163

-66,791,225

-49.6

9.

Ceerigaabo

44,470,546

55,258,160

10,787,614

24.3

10.

Laascaanood

73,775,514

93,965,754

20,190,240

27.4

11.

Abaarso

24,196,344

28,826,782

4,630,438

19.1

12.

Xariirad

11,701,594

16,090,587

4,388,993

37.5

13.

Lughaya

34,250,400

700,000

-33550,,400

-98.0

14.

Faraweyne

64,303,230

37,232,500

-27,070,730

-42.1

15.

Balligubadle

1,465,151

21,512,722

20,047,571

1368.3

Total

24,457,632,203

30,395,340,951

5,937,708,748

24.3

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *