Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa shaaca ka qaaday inuu Ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawlada ugu kordhiyay mushaharkii ay qaadan jireen. Sidaana waxa caawa  caweyskii

baahisay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo sheegtay in qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Axmed  (Siilaanyo) uu 100% u kordhiyay mushaharkii Ciidamada kala duwan ee dalka iyo shaqaalaha dawladda, waxaanu warku intaasi ku daray mushahar kordhintan laga bilaabayo Bishan January 2011-ka.

Wax tafaasiil ah lagama bixin wareegtada uu madaxweynuhu mushaharka ugu kordhiyay ciidamada iyo shaqaaleweynaha dawlada Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa xiligii lagu jiray olalihii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu dadweynaha u soo bandhigay ku sheegay inay ciidammadda iyo shaqaalaha dawlada ay mushaharooyinka u kordhiyaan 300%.

Balse Go’aankan madaxtooyada ayaa ku soo beegmay xili aanay wali Wasaarada Maaliyadu odoroska Miisaaniyad sannadeedka xukuumadda dhexe ee 2011-ka u gudbin Golaha Wakiilada. Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada oo beryahanba naawilayay mushahar kordhintii xisbiga KULMIYE u balan qaaday ayaa ku diirsaday go’aanka Madaxweynaha. Waxayna ciidamadda, shaqaalaha iyo bulshada kaleba aad ula yaabeen kadib markii golaha wakiiladu dhowaan kordhistay mushaharooyinka iyo gunooyinka ay qaatan.
Araweelonews Mobile

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *