-
Published On: Sun, Aug 14th, 2011

‘Xisbigayaga Aannu Puntland Kaga Dhawaaqaynaa Wuxuu Aqoonsanayaa in Gobollada Sool iyo Saanag ka Tirsan Yihiin Somaliland’ Siyaasi Reer Puntland ah

Smiley face
Share This
Tags

Boosaaso (ANN)- Guddoomiyaha xisbi aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin oo la yidhaahdo xisbiga  Horumarinta Puntland Md. Maxamed Xaaji Aadan oo ah siyaasi weyn oo reer Puntland ah, ayaa markii u horaysay ku dhawaaqay in haddiay talada maamulka Puntland ku guulaystaan ay faraha ka

 

qaadi doonaan Gobolada Sool iyo Sanaag, isla markaana u  aqoonsan doonaan inay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.
Md. Maxamed Xaaji Aadan oo ahaa madaxweyne-ku-xigeenka dawladdii Soomaaliya laga dhisay sannadihii sagaashamaadkii ee la odhan jiray Sal-balaadh ee Maxamed Faarax Caydiid Madaxweynaha ka ahaa, isla markaana xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay maamulka Puntland oo isagoo ku sugan magaalada Boosaaso shalay khadka telefoonka ugu warramay Jamhuuriya, waxa uu sheegay inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan cusub oo la yidhaa Xisbiga Horumarinta Puntland, waxaannu daboolka ka qaaday inay ka shaqaynayaan sidii shacabka reer Puntland looga dhaadhicin lahaa in gobollada Sool iyo Sanaag ay taariikhiyan iyo deegaan ahaanba ka tirsan yihiin Somaliland, nabadda iyo xasilooniduna ku jirto in goboladaas iyo deegaanka Buuhoodle si rasmi ah loogu aqoonsado inay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.
Waraysiga Jamhuuriya la yeeshay siyaasiga Maxamed Xaaji Aadan oo marna guddoomiye ka noqday degmada Eyl ee maamulka Puntland, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhacay sidan:
Su’aal: Waxa la sheegay in aad xisbi siyaasadeed degaanka Puntland kaga dhawaaqaysaan, arrintaas maxaa ka jira?
Jawaab: Waxa la yidhi xisbiyadii waa la furayaa, markaa guddi doorasho oo waxaasba ka horreeya ayaa hadda la magacaabay, laakiin ma aha wax aannu ku tashan karno oo la isku hallayn karo in xisbiyo la furto, dastuurkii xisbiyada lagu furi lahaana maaha mid sax ah oo waa la isku haystaa, arrinta lagu shaqaynayeyna waxay ahayd axdi-qarameed, markaa weli ma jirto dastuur qaran oo afti loo qaaday. Laakiin hadda annagu waxaanu isku diyaarinay in aannu samayno xisbi-siyaasadeed la yidhaa Xisbiga Horumarinta Puntland, waxaanuna habaynaynaa qorshihiisii iyo barnaamijkiisii siyaasadeed ee xisbiga, dadkiina waxaannu ku wadnaa wacyigelin la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan, insha Allaahna dhawaan baannu ku dhawaaqi doonaa.
S: Markaa hadda xisbiga maxaad u diyaariseen, dadka ma qaybgelinaysaan?
J: Haa, xisbigii waannu diyaarinay oo waxaannu wadnaa sidii aannu gobolladii iyo deegaannadii kalee Puntland u gaadhsiin lahayn, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada in aannu ka qaybgelino. Annaga wax kastaa waa noo diyaar ha dhacdo in xisbiyo la furo ama yaanay dhicinbee, laakiin markasta in aannu is habayno ayaan wadnaa oo waxaannu diyaar u nahay in aannu qabano hoggaanka maamulka Puntland.
S: Maxaa ku cusub xisbigiina ee aad doonaysaan in aad wax ka qabataan, waa maxay mabdi’iina siyaasadeed?
J: Waxa xisbigaya ku cusub oo siyaasaddiisa ka mid ah, waxaannu wadanaa qorshe iyo siyaasad ku cusub mamulka Puntland oo ah in aannu garanayn in 20 sanno kadib markii dawladdii Siyaad Barre dhacday oo xilliganna dhibaatooyin badan jiraan. Waxaannu arrimahaas ka qaadanay waayo-aragnimo badan oo siyaasadda Soomaliya kala saaraysa, markaa xisbigayaga aannu Puntland kaga dhawaaqaynaa  wuxuu aqoonsanayaa Jamhuuriyadda Somaliland oo xadkeedu yahay kii caalamiga ahaa ee Ingiriisku ka tagay iyo in Puntland xigto Somaliland oo ay isku xad yihiin, Somaliland-na aqoonsi buuxa ayaannu siinaynaa.
S: Maxaad ku sababaynaysaa siyaasadiinan aad sheegtay in aad Somaliland kula macaamilaysaan?
J: Waxaannu arrintaasi ku sababaynaynaa, waxa jira muran iyo is qabqabsi u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo la xidhiidha gobolada Sool iyo Sanaag, markaa khilaafkaasi muddada dheer jiray ayaanu doonaynaa in aannu soo afjarno, waxaannu ognahay in maanta aanay dani ku jirin in dib dambe dagaal looga abuuro aaggan Puntland iyo Somaliland, waxaanan ogsoonahay in Somaliland tahay dal nabadeed oo dagaal aannu faa’iido u lahayn labada dhinacba.
Ta labaad; waxa weeye in aanay Puntland u matalin Soomaaliya inay ku soo khasabto midnimo iyo federaal, arrintaasna Puntland wakiil ugama aha Soomaaliya. Waxa weeye Puntland ha gaadho go’aan ah inay Somaliland aqoonsato, annaga oo doonayna in xisbigayagu ugu horreeyo oo arrintaasi ka dhabeeyo haddii Ilaahay yidhaa, dadkana aannu arrintaasi ku wacyigelino, annagoo ogsoon in bulshadu u bisishahay inay nabad hesho oo ka baxdo colaadaha iyo dagaallada.
Ta kale, dadka ku nool deegaannada Sool iyo Sanaag haddii la raaco sharciyadda waa reer Somaliland oo deegaannadaasi waa kuwo Somaliland ah, mana aha in Puntland hayb qabiil ku sheegato. Shirarkii Somaliland lagu dhisay, gaar ahaan shirkii Boorama ka dhacay sannadkii 1993kii dadka ku dhaqan Sool iyo Sanaag ee Hartiga iyo Dhulbahantuhu way ka qaybgaleen.
S: Adigoo siyaasi reer Puntland ah, ma waxaad leedahay gobollada Sool iyo Sanaag waa Somaliland?
J: Waxaannu aamminsanahay in gobollada Sool iyo Sanaag haddii la eego istaarijiyan, taariikhiyan iyo maamul ahaanba raacsan yihiin Somaliland oo ay ka tirsan yihiin, waxana weeyaan Laascaanood waxa ka taliya Somaliland, Buuhoodle iyadu waa Somaliland oo lamaba odhan karo waa Puntland.
Dhinaca kale, markaad eegto Sanaag waa Somaliland oo markii Puntland ay farogelisay deegaannada bariga Sanaag dagaalladii ka dhacay waa tii la ogaa iyo khasaaraha ka dhashayba.
Tusaale ahaan; buuralayda deegaanka Galgala dagaallo badan baa ka dhacay oo khasaare sababay, dagaalladaasina maaha kuwo loo baahan yahay sida qudha ee lagaga nabadgeli karaana waa in siyaasiyan deegaannadaasi loo aqoonsado inay Somaliland ka tirsan yihiin.
Dhibaatadii u dambaysay ee dhacday ee ilaa xilligan taagan waxay ahayd tii ka dhacday deegaanka Taleex oo rag badan oo Somaliland ah oo madaxdii Sool ah in weerar lagu qaado oo la qafaasho, kuwaasoo ku socday deegaankoodii iyo dadkoodii, markaa macquul ma aha in dagaal la isku dulfadhiyo oo dadkana la dhibo, deegaanadaasi waa Somaliland faraha halaga qaado.
Heshiisyadii dadka iyo beelaha degaannada Sool iyo Sanaag hayb ahaanta Puntland kula galeen way burbureen oo wax sii socday may noqon, waayo Puntland deegaannada Sool iyo Sanaag waxba umay qaban, madaxda degaannadaasi ka soo jeeda ee Puntland ku jiraana waa iska magac-u-yaal oo ma tegi karaan degaanadaas. Haddii xisbiyada la furo annagu Sool iyo Sanaag ka ololayn mayno, faragelin mayno, waxaanan u aqoonsanahay inay Somaliland ka tirsan yihiin, sababtoo ah Sool iyo Sanaag Puntland gacanteeda kuma jiraan, wax dagaal iyo rabshad looga abuuraana waa farogelin aan loo baahnayn.
Haddii maanta doorashooyin la galena siyaasiyiinta deaanadaasi ka soo jeeda wax cod ah kama keeni karaan, aqlabiyaddana Puntland-na waa lagaga badan yahay oo metelen imika baarlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood, tiradaas baarlamaanka ah Sool waxa ugu jira 17 xubnood, Sanaagna waxa ugu jira 9 xubnood, marka la isku daro waa 27 xubnood oo ku dhow aqlabiyadda.
Markaa siyaasiinta deegaanadaasi ka soo jeeda waxaan culays ahayn kuma hayaan Puntland, taasina waxay muujinaysaa in aanay wax saamayn ah ku yeelan karin degaanadooda.
Runta haddii laga hadlo degaannada Sool iyo Sanaag waxay ka tirsan yihiin Somaliland, shacabkii deganadaas ku noolaana waxay jiraan Somaliland. Dadka siyaasiyiinta ah ee halkan [Puntland] joogana ma sii joogi karaan, xisbi siyaaseedna halkan ugama furmi karo oo cod ka heli maayaan, siyaasi isagoo Puntland matalaya xisbi ka furan Sool iyo Sanaagna maba jiro oo awood ay ku tagaan maba haystaan, sidaa darteed waxa macquuliyaddu tahay oo noo muuqatay in gobollada Sool, Sanaag iyo deegaannada kalee Puntland hayb ahaanta ku sheegataba in loo aqoonsado inay Somaliland ka tirsan yihiin, arrintaasna waxaannu doonaynaa in xisbigayagu bilaabo oo dadka aannu tuso in nabadda ku jirta Somaliland la aqoonsado, ciddii dood qabta ee lana doodi kartana diyaar baannu u nahay hadday dimuqraadiyadi jiro oo aan la is afduubayn, xoogna wax ku socon karaa ma jiraan, dadkuna isma dulsaaraan karo ee Somaliland xuduudaheeda taariikhiga ah ee Ingiriisku ka tagay haloo aqoonsado.
S: Miyaan la odhan karin siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee badhna joogaan Somaliland, kuwo kalena ka soo jeedaan dhinaca Puntland ayaa dadkii degaanka dhibaato ku haya oo colaadda u horseedaya?
J: Waxa weeye kuwa siyaasiyiinta ah ee Puntland joogaa dadkii iyo dhulkii gacanta kuma hayaan, laakiin siyaasiyiinta Sool iyo Sanaag ka soo jeeda ee Somaliland jooga dalkii iyo dadkii ayaa gacantooda ku jira oo waa kuwaas Lascaanood ka talinaya ee ilaa Taleex socday, xaqiiqduna waxa weeye oo lagu kala nabadgeli karaa Puntland iyo Somaliland oo isla qaata in xadka u dhexeeyaa yahay kii Ingiriiska oo waaltinimo, nabadgelyo iyo jaarnimo fiican ku wada noolaada.
S: Haddaad ku guuldarraysataan inaad xisbigan soo saartaan ama qabataan hoggaanka Puntland, ma sii wadaysaan fikraddan aad ka aaminsan tihiin ee Sool iyo Sanaag, mise halkaas ayaad kaga hadhaysaan?
J: Waxaannu doonaynaa in aannu furno dooda ah, maxaa Somaliland iyo Puntland ka dhexeeya? Waxa ka dhexeeya heshiis lagu galay Boorama oo  madax badan oo hadda xilal ka haya Puntland, ayaa ka qaybgalay shirkii beelaha Somaliland ee Boorama, kuwaasna waxa ka mid ah madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire,  madaxweyne-ku-xigeenkii isaga ka horreeyey ee Xasan Daahir baa ka qaybgalay, garaad iyo isimo badan oo iminka dhinacan Puntland ah ayaa ka qaybgalay, shirkaas Boorama ka dhacayna shir la wada ogyahay wixii ka soo baxay buu ahaa, iyadoo lagu heshiiyey in beelaha wada deggan deegaaannadii Ingiriisku gumaysanayey ay samaystaan Somaliland. Markaa waxaynu ognahay in dhibaatooyin badan ka taagan yihiin Soomaaliya, laakiin arrinta u baahan inn laga hadlo waa Puntland iyo Somaliland oo isxiga oo ay daruuri tahay in Puntland aqoonsato xuduudaha Ingiriiska ee Somaliland la wadaagto.
Arrinta kale ee kala-tagga Soomaaliya iyo aqoonsiga diblomaasiyadeed ee Somaliland waa wax u yaal dadka Soomaalida dhexdooda, innagoo og dhibaatooyinkii qallafsanaa ee dawladdii Siyaad Barre u gaysatay Somaliland iyo xasuuqii lagu sameeyeyba.
Xisbigayagu waxa uu dhiirigelinayaa in dood caalami ah xaataa laga yeelan karo xuduudda u dhexaysay Somaliland iyo Puntland, mana qurux badna in dal isirnimo lagu sheegto oo dadka Soomaalidu meel walba wuu dagaa. Tusaale ahaan; dalka Itoobiya Soomaali badan baa deggan oo Itoobiya ka tirsan, Kenya Soomaali badan baa deggan oo Kenya ka tirsan, qabiilooyiinka Soomaaliduna way isdhexdegaan, mana aha in hayb qabiil Puntland ku sheegato dhul iyo dad ka tirsan Somaliland.

xigasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>