qarax1Muqdisho(Araweelo News Network)Qaraxyo ayaa ka dhacay Huteel ku yaala dhismihii hore ee Idaacada Banaadir oo laga sameeyay Huteel, waxaana wararku sheegayaan in gaadhi

 

laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay Baarkinka Huteelkaa oo ay xiliggaa ku jireen qaar ka mid ah Maduuliyiinta Dawlada ku meelgaadhka ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu geystay qaraxu, balse dawlada taagta daran ee fadhigeedu yahay Villa Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.
Sidoo kale  warar kale ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadhigii Taliyiha ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose Axmed Cumar Mudan, kaas oo gaadhigiisa qaraxu qabsaday agagaarka Taree Biyaano gaar ahaan afaafka hore ee maqaaxida laga cunteeyo ee Golis  oo ku taal degmada Hodon.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Taliyaha lala eegtay qaraxa uu ku dhintay, iyadoo Maydkiisa la dhigay Cusbitaalka Madiina.

Qaraxyada ayaa kusoo beegmay iyadoo Raysal wasaaraha Somalia la hadlayay Ciidamada oo uu kala hadlayay, kaas oo ka qudbadaynayay goobtaa qaraxu ka dhacay kasoo horjeedkeeda oo dhawr mitir u jirta, mana jirto cid sheegatay qaraxyadaa.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *