Somalia(ANN) Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaar dheeraatay ka jirto qaybo ka tirsan Somaaliya, taas  oo saamaysay nolosha malaayiin qof. Qaramada Midoobay waxay  sheegtay inkastoo caawimooyinku  ay socdaan, balse

xog cusub oo ku saabsan abaartu  ay sheegayso in abaarta, dagaalada iyo saboolnimada labada gobol ee Bakool iyo shabeelada hoose ay keentay in si rasmi ah loogu dhawaaqo abaar dheeraatay.
Warbixintaa xoggaha lagu ogaaday waxaa ka mid ah in afartii caruura ka mid ah toban kun oo caruur inay dhimanayaan maalin walba, isla markaana in  ka badan sodon boqolkiiba ay yihiin kuwo ay haysato nafaqo daro baahsan iyo xaalad macaluul ah.
Sida lagu sheegay warbixintaa Meelaha ugu daran  ee macaluusha iyo abaartu sida weyn u samaysay ayaa ah meelaha ay maamulaan koxaha Al -Shabaab, kuwaas oo inta baddan Somalia gacanta  ku haya. Dhowaan ayay Al- Shabaab ka qaaday xayiraada haya’ddaha gargaarka, laakiin  sida ay xogguhu sheegayaan waxa weli adag oo dhibaato ka taagan tahay  in gargaar la gaadhsiiyo dadka meelaha ay Al -Shabaab ka taliso ku sugan.
Dowladda Kuwait ayaa  sheegtay inay u dirayso Somalia gargaar degdeg  loogu baahan yahay oo qiimahiisu gaadhayo $ 10 milyan oo dollar oo la siinayo dadka abaartu saameysay ee dalka Soomaaliya. Malaayiin dad ah ayaa Soomaaliya ku dhibaateysan,  kuwaas oo gaajo iyo macluul kasoo gaadhay abaartii ugu xumayd ee dalkaa ku dhufatay muddo 10 sanno ka badan.

 

 

Qaybta ugu horreysa gargaarka Kuwait soo direyso waxaa Soomaaliya la geyn doonaa labo maalmood kaddib oo ku beegan maalinta khamiista ee toddobaadkan, sida laga soo xigtay  sarkaal  saxaafadda u qaabilsan safaaradda Kuwait ee London.
Wasiiru-dowlaha golaha wasiirrada ee dalka Kuwait, Cali Al Rashiid, ayaa  sheegay in go’aanka dowladda Kuwait gargaarka ugu direyso Somalia  uu ku salweysan yahay talooyin uu soo jeediyay Amiirka xukuma dalka Kuwait, Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax.
Waxaana Gargaarka qaybin doona hay’add samafal oo reer Kuwait ah oo la shaqeynaysa ururka Bisha Cas ee dalka Kuwait iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay abaarta iyo macaluusha ka taagan Somalia, wuxuuna sheegay in aan Djibouti waxba kala hadhi  doonin wax kasta oo ay u qaban karto dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatada abaartu ku habsatay.
Abaarta Geeska Afrika oo Djibouti nafteeda saameysay, ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay mid aad mooddo inay si  gooniya u doonatay dhammaan dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika, isagoo yidhi,
Anaga dhulkayaga markaad eegto Roobku kuma badna, gurmadkiina waana bilawnay intii aan karaynay 11 7,  000 qof oo koonfur ,  laakiin afrika sida ay abaartu u jirto ayay ugu soo qulqulayaan magaalada, waxaadna moodaa inay reer guuraagii hada dabar go’ayaan oo ay magaalada soo gelayaan, iyadoo aanay jirin wax lagu hayo magaalada oo ay kor dhinayaan cama la’aantii. Ayuu yidhi Madaxweyne Geelle
Waxaad moodaa inay abaartu doonatay dhulka Soomaalidu degto. Laakiin waxa jirta oo aduunka oo dhan la yaabay dhulka wanaagiisa
Dhulka laba Webi (shabeele iyo Juba) 8mly oo hiktar ayaa la beeri karaa oo soomaali oo dhan ku filan dagaal iyo Budhcad badeed ayaa u sabab ah dhibaatada, illaahay dhul wanaaagsan ayuu inagu beeray, gaajada illaahay inama baddin ee dhulkaa ayaynu ka faa’idaysan weynay ayaan qabaa ayuu yidhi Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay xaalada ba’an ee Abaaraha iyo macaluusha Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *