London(ANN)Ergooyin ka socda Somaliland iyo Somalia,  ayaa wadahadal uga furmay Britain, kuwaas oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay dhisme lagu magcaabo Chevering House oo  ku yaal Kaynta duleedka London oo ah goob uu ku nasto

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain.
Wadahadalada ayaa ah kuwo aan saxaafada loo ogolayn gebi ahaanba, waxayna wadahadaladu ka danbeeyeen shirkii dawladda Britain ku qabatay London 23 February 2012, kaas oo go’aamadii in kabadan 55 dawladood oo beesha caalamka ka socday ku go’aamiyeen inay Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
Kulankaa oo ah mid sida weyn indhaha loogu hayo, waxa marti gelisay dawladda Britain, isla markaana waxa goob ka ah dublamaasiyiin ka socda Norwey iyo Midawga Yurub, wuxuuna noqonaya markii ugu horaysay ee mudo ka baddan labaantan sanadood ay sidan oo kale isu soo horfadhiistaan Somaliland iyo Somalia, iyadoo Somaliland raadinaysay inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.
Dhinaca Somaliland, waxa hoggaaminaya ergada uga qaybgashay  Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, kaas oo ay  weheliyaan Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha Qoyska, Gudoomiye xigeenka wakiilada Somaliland  iyo gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka UCID.
Dhinaca dawladda taagata daran ee Somalia, waxa ergada kulankaa uga qaybgashay hoggaaminaya, Cabdisamad Macallin Maxamud Sheekh Xasan, kaas oo ah guddoomiyaha guddida wadahadallada (Chief negotiator),  Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dawladda ku-meelgaadhka ah Mr. Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka dawladda ku-meelgaadhka ah u fadhiya Djibouti Ambassador Cabdi Xuseen Guulwade, Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Qorashaha Wadahadalku ayaa soconaya ilaa galabta iyo berri oo dhan, waxaana bulshada Somaliland,  Somalia iyo dunida danaysa arrimaha Soomaalida si weyn indhaha loogu hayaa wadahadaladaa, kuwaas oo
Haddii ay ku dhamaadaan wejiga hore is afgarad ay  wejiga labaad oo ku beegan toddobaadka soo socda,  labada Madaxweyne  ee Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Somalia Sheekh  Shariif ku kulmi doonaan dalka isu tagga imaaraadka carabta.
Somaliland waxay doonaysaa inay meel mariso qadiyada aqoonsigeeda, taas oo ay horeba u qadintay, balse madaxda ka socota dhinaca Somalia, ayaa doonay inay ergooyinka Somaliland ku qanciyaan in dib looga wadahadlo midnimadii hore u khasaartay ee 1960. Waxaana suurta gal in arrimaha qaar ay adkaadaan. Laakiin wadamada danaynaya in xal loo helo mushkilada Somalia ee hormoodka u ahaa inay suurta geliyaan kulankaa, ayaa u arka in madaxbanaanida Somaliland iyo inay Somalia aqoonsataa wax weyn ka tarayso mushkilada xalka loo waayay ee Somalia iyo mashaakilaadka ka taagan gobolka geeska Afrika, balse waxa arrimahaa laga saadaalin karaa qaabka ay u dhacaan wejiga hore ee wadahadalada maanta bilaabmay iyo waxa ay geba-gebadoodu noqoto khamiista berito.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *