London(ANN) Boqolaal kun oo ah muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub, gaar ahaan cariga Britain ayaa wada qabanqaabada isu soo baxii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan qurba jooga Somaliland, taas oo ay ku beegeen sannad guuradii 20aad ee kasoo wareegtay

 

markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii shirkii Burco May 18 1991./
Qoraal ay soo saareen Jahliyadaha Uk ee Somaliland oo iyagu ah kuwa qorshaynaya, hawshaa islamarkaana wada  qabanqaabadeeda  ayaa u qornaa sidan:-  “Isku soo bax lagu taageerayo madaxbanaanida Qaranimada Somaliland “Kaaley taageer 20 guurada wadankaaga” Arbacada, 18-ka May 11:30-17:00
Sida aynu la wada socono 18-May ee sannadkan 2011, waxay ku beegan tahay labaatan guuradii madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Haddaba Guddida qabanqaabada xuska 20-tan guurada qaranimada Somaliland (18-ka May) oo ay hormood ka yihiin xisbiyada qaranka, ururada reer Somaliland ee UK, wakiilka dawladda Somaliland ee UK iyo hal doorka ku dhaqan UK, ayaa dhawaan go’aan ku gaadhay shir loo dhamaa in dabaaldega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May lagu xuso sida.:

• Isku soo bax balaadhan oo ku salaysan ictiraaf raadinta Somaliland iyo ahaanshaha Somalilandimada
• Muujinta Madax-banaanida Somaliland iyo Qaranka Somaliland waxyaabihii u qabsoomay muddadaa 20-ka sanno ah.
• Damaashaad iyo xafladayn ay dadweynaha reer Somaliland ku soo bandhigaan farxadooda ku aadan maalintan qiimaha badan.
Guddida qabanqaabadu waxay shacbiweynaha reer Somaliland ee UK ku dhaqan ugu baaqayaaan in ay si mug leh uga soo wada qayb galaan isku soo baxan loogu dabaadegayo 20-tan Guurada maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May. Waxaanay ku guubaabinayaan dhamaanba Shacbiga reer Somaliland ee guddaha iyo dibaduba in ay si mideysan u muujiyaan qiimaha iyo qadarinta ay mudan tahay maalintan taariikhiga ah ee 20-jirkeedii loo dabaaldegayo. Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan UK waxaanu ku adkaynaynaa in ay isku duubni isku soo baxan ku muujiyaan cududooda iyo taageerada wadankooda hooyo ay u hayaan.
Maalinta (Arbaca) : 18.05.2011
Goobta : Old Palace Yard Westminster (ka soo horjeedka Baarlamaanka) London (SW1)
Wakhtiga: 11:30-05:00
Gaadiidka: Westminster Tube Station
Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xidhiidh Guddiga qabanqaabada xuska 18-Ka May emailkan hoos ku xusan g20guuradasomaliland@yahoo.co.uk
?
Guddida Qabanqaabada ee Xuska 18-ka May
Ururada Reer Somaliland ee UK, SSUK, Xisbiga Kulmiye, Xisbiga UCID, Xisbiga UDUB, Somaliland Mission.
Wa Bilaahi Tawfiiq

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *