Hargeysa (ANN) Maxkamadda degmadda Hargeysa ayaa dhegeysatay kiis aan hore noociisu usoo marin. Kadib markii saaka maxkamadda la hor keenay Nin sheegtay inuu yahay Nebi, kaas oo ku doodaya inuu yahay Nebi kahadar(CS). Ninkaa oo magaciisu yahay Shariif Axmed Cabdi waxa dacwad kusoo
oogay Xafiiska xeer Ilaalinta.
Dacwad oogaha ka socday xafiiska xeer Ilaalinta gobolka Yuusuf Caato ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in Ninkaa oo magaciisu yahay Shariif Axmed Cabdi (Ina Timira Cawaale ) uu yahay Nin sheegtay Nebi isagoo ku doodaya inuu yahay Nebi Khadar(CS), isla markaana maxkamaddu dhegeystay dacwada kiiska ninkaa saaka oo lagu eedeeyay qodobka 342 XCG, oo ay ka furantay dacwadu maxkamadda gobolka. “Maaha inuu sheegtay oo Keliya Nebi Khadar ee waxa kaloo uu sheegtay inuu yahay Nebi Maxamed (CSW).” Ayuu yidhi dacwad oogaha Yuusuf Caato.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inuu Ninkaasi dad baddan ugu balanqaaday inuu xilal u dhiibayo sida uu ku doodayo, isagoo u sheegay inuu yahay Ninka xukunka kala wareegi doona madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Ninkaa sheegtay nebiga ayaa wararku sheegayaan inuu dhowaan yimi magaalada hargesya, isagoo kasoo galay dhimaca xuduuda ethoipia, isla markaana Somaliland uu waqti kooban ku sugnaa, iyadoo uu guursaday gabadh deegaanka magaalada ah, isla markaana la siiyay guri weyn oo uu deganaa ka hor intii aan loo taxaabin xarunta CID oo uu ku xidhan yahay xiligan.
Wixii kasoo kordha sheekada Ninkaa kala soco shebekada wararka ee Araweelonews.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com