Stanbul (ANN)-Dawladda Turkiga ayaa la sheegay inay si rasmi ah Jamhuuriyadda Somaliland ugu marti qaaday shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee la filayo inuu bisha June ee sannadkan 2012 ka qabsoomo magaalada Stanbul ee dalkaas Turkiga.

Xoggo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay   oo kasoo baxday Wasaaradda  Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in dawladda Turkigu Somaliland u soo dirtay qoraal martiqaad oo ka saabsan ka qaybgalka shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhaca magaalada Stanbul, iyadoo Somaliland shirkaas uga qaybgalayso meeqaam la mid ah qaabkii ay uga qaybgashay shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlay ee 23 February ka dhacay dalka Ingiriiska.
Inkasta oo Somaliland hore u diiday ka qaybgalka shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii ay saluugtay ajandaha shirkaasi laakiin  Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Prof Dr Axmed Davutoglu ayaa ku hawlan sidii uu Somaliland ugu qancin lahaa ka qaybgalka shirkaas, iyadoo la filayo in wasiirka khaarajiga Turkigu uu kulan la yeesho masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland.
Dhinaca kale ilaa hadda lama hubo in xukuumadda Somalailand aqbali doonto casuumadda Turkigu u fidiyey ee la xidhiidha ka qaybgalka shirka arrimaha Soomaliya lagaga hadlayo ee ka dhaca Stanbul, sidoo kale ma cadda cidda Somaliland shirkaas uga qaybgelaysa, hasayeeshee waxa la tibaaxay in aanu madaxweyne Siilaanyo shirkaas ka qaybgeli doonin, balse ay tagi doonaan wasiiro xukuumadda ka tirsan hadii shirkaas ka qaybgalkiisa la aqbalo.
source Jamhuuriya website
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *