Hargeysa(ANN)Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maalintii Sallaasadii todobaadkan u yimi Hargeysa sidii ay ugala xaajoon lahaayeen Xukuumadda Somaliland Diyaaradda lagu hayo madaarka Hargeysa tan iyo Jimcihii todobaadkii hore. Sidaana waxa

shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay ilo wareedyo u dhuun daloola arrinta diyaaradda oo ku sugan Hargeysa.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland kasoo saartay socdaalka kooxda ka timi dhinaca Puntland iyo inuu jiro wadahal ku saabsan arrinta Diyaaraddaa oo u socda maamulka Puntland iyo xukuumadda Somaliland, isla markaama masuuliyiinta xukuumadda oo aanu isku daynay in aanu arrintaa wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin,  balse sida ilo wareedyadaasi u xaqiijyeen shebekada wararka ee Araweelonews kooxda ka timi dhinaca maamul goboleedka Puntland ayaa ka koobnaa saddex qof, kuwaas oo xarunta Maamulka Garoowe kasoo raacay Diyaarad mudooyinkii u danbaysay ka shaqaynaysay halkaa oo lagu magcaabo Air Punt, isla markaana kasoo degey madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Iyadoo ay madaarka ku qaabileen xubno ka tirsan xukuumadda  oo kusoo dhoweeyay qolka nashada ee VIP-da, kadibna u soo kexeeyay dhinaca Madaxtooyadda Somaliland.
Saddexda xubnood oo aan si cad loo ogayn inay ka socdaan shirkadda Diyaaradda iyo yihiin kuwo toos uga socda maamulka Puntland ayaa sida ay wararku sheegayaan la geeyay Hutel ka mid ah Huteelada waaweyn ee Magaalada Hargeysa. Sidoo kale wararka arrimahaa la xidhiidha ayaa sheegaya inay hawsha baadhista Diyaaraddaa kala qayb qaadanayaan xukuumadda Somaliland xubno ka socda guddida dusha ka ilaaliya cunaqabataynta hubka Somalia ee qaramada midoobay, waxayna xoggaha kasoo baxay baadhistu u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews in ilaa hada Diyaaradda laga helay Dirayska iyo kabaha Milateriga iyo sidoo kale qalabka lagu baadho miinooyinka iyo Camaradaha lagu ilaaliyo xeebaha oo meel fog ka qaadi kara sawiro iyo Raadaarka dhinaca Badda loo isticmaalo.
Diyaaraddaa oo ah  kuwa rakaabka qaada  oo nooceedu yahay ANTINOV/36, ayaa todobaadkii hore  lagu dejiyay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, markii ay lasoo xidhiidhay maamulka Madaarka ee ay dalbatay in shidaal la siiyo, iyadoo aan wax sharci ah ka haysan hawada Somailand.  Ka dibna baadhitaan lagu bilaabay  markii  looga shakiyay inay qalab iyo saanad milateri u siday maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo ay shirkad laga leeyahay dalka Uganda u tababaray ciidamo aan ujeedadooda iyo cida ka danbaysa si cad loo ogayn oo ay walaac ka muujiyeen dawladaha waaweyn ee maraykanku hormoodka u yahay iyo kuwa gobolkuba,  waxayna xukuumadda Somaliland waqtigaa sheegtay inay  saarnaayeen  2 nin oo South African ah iyo 6 Nin oo Ruush ah, isla markaana la ogaaday inay siday Dirays iyo qalab Milateri, balse baadhitaan dheeraad ah lagu samaynayo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *