Muqdisho(ANN)Maxkamadda gobolka Banaadir ee dalka Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday weriye C/casiis Cabdi Nuur Ibraahin (Koronto), iyo haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen rag ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, taas oo

uu wariyuhu ka waraystay dhacdadaa.

Wariyaha la xukumay oo ka tirsanaa idaacadda dalsan ee Magaalada Muqdisho iyo haweeneyda ayaa lagu xukumay midkiiba hal sano oo xadhig ah, ka dib markii sida maxkamadu sheegtay lagu helay been abuurid war aan jirin, iyo aflagaado loo geystay Hay’ad Qaran, iyadoo maxkamaddu sii deysay oo xoriyadoodii usoo celisay afar qof oo kale oo kiiskaa ku eedaysnaa.

Gorsooraha ayaa sheegay in haweenaydaa oo haysata ilamo yar ay debeda joogayso inta ay ilmaha naaska nuujinay, iyadoo markaa kadib uu xukunka ciqaabta ahi u bilaabmayo, balse Wariye Cabdi Casiis ayaa loo taxaabay xabsiga. Sadex qof oo kale oo dacwad loo heystay, oo uu ku jiro Seyga Luul Cali Cusman ayaa dacwadda lagu waayay oo la sii daayay.

Dawcada ayaa dhowr jeer dib u dhacday, waxaana cambaareeyay, hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo dalal kale oo fara badan, kuwaas oo xukuumadda Somalia ku canaantay dhacdadaa.

Go,aanka Maxkamadda oo si weyn indhaha loogu hayay waxa jawaab ka bixiyay hay’addaha xuquuqda Aadamaha, kuwaas  oo ay ku jirto Human Rights Watch  oo ku tilmaantay xukunkaa mi muujinya in cadaaladda la baal maray.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *