Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo oo qorshaynaya safar deg deg ah oo uu subaxnimada ugu baxo dalka Britain. ka hor Madaxtooyada uga soo saydhiyay Digreetooyin kala duwan oo isugu jira magcaabis iyo xil ka qaadis.

 

Kadib markii uu magcaabay laba masuul oo cusub, kuwaas oo kusoo kordhay golaha wasiirada, isagoo dhinaca kalena xilalkii ay hayeen ka qaaday Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL C/waaxid C/qaadir iyo Maareeyihii hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, Mudane, Maxamed Daahir Axmed, isla markaana bedelkoodii magcaabay.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loogu talo galay oo xili danbe caawa warbaahinta loo kala diray.

Qoraalka lagu magcabaay labada Wasiir ku xigeen, isla markaana xilalka lagaga qaaday Labada Maaraaye ee bedelkooda la magcaabay, ayaa u qornaa nuxur ahaan sidan:-   “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku magacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

1 in Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.     In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

sidoo kale waxa Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay digreeto kale inuu magcaabay laba Maareeye, kuwaas oo kala ah sidan:- 

1.     In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, waxaanay Hay’addu hoos iman doonta Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL.

2.     In Prof. Xasan Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL.

Dhinaca kale  Maxweyne Siilaanyo wuxuu Xilalkii ay hayeen ka qaaday labada Maareeye ee Horumarinta Wadooyinka iyo Xidhiidhinta Raashinka, kuwaas oo kala ah.

Maareeyihii hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL, Mudane, Maxamed Daahir Axmed iyo Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka (Road Development Authority) ee JSL, C/waaxid C/qaadir, masuuliyiintaasi Oo uu madaxweynuhu uga mahad celiyey Mudadii ay xilkan soo hayeen, balse ay Xilka qaranka Dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Dhinaca kale magcaabista masuuliyiinta cusub,  isku bedelka badhaasabada iyo masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo safar ugu baxayo maalinta beri dhinaca dalka Britain, kaas oo la xidhiidha sida ay sheegayaan xoggaha la xidhiidha safarkiisu khilaafka dhowaan ka dhashay dhawaaqa dawlada Britain ee saamaynta ku yeeshay xidhiidhka labada dal.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *