Baydhabo(Araweelo News Network)Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolada Bay iyo bakool, kuwaas
oo hadda ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qeybtooda gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal ayaa sheegay in raggan lagu helay iney siyaabo kala duwan dilal badheedh ah ugu geysteen askar kale iyo dad shacab ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sheekh Xuseen ayaa sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, raggan dhamaantoodna lagu fulin doono toogasho.
Askarta la xukumay ayaa kala ah Dil-suge Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah, kaas oo gudoomiyaha maxakamaddu sheegay in lagu helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaan jiray.
Askarta la xukumay ayaa waxaa kaloo ka mid ah dil suge Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, kaas oo garsooraha kiiska qaadayay sheegay in lagu helay inuu dilay ka dibna ceel ku riday meydkiisa Marxuum Mustafe Xaaji Xasan oo ahaa askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa.
Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah ayaa isna gudoomiyaha maxkamaddu sheegay in lagu helay inuu dilay marxuum Ibraahim Madoobe Aadan oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com