Hargeysa (Araweelo News Network) marxuum magaciisa la odhan jiray Mubaarik oo muddo 15 sannadood ah xabsi ku jiray oo subaxnimadii hore ee shalay ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa muran

 

 

ka dhashay in la aaso, iyadoo aaskiisa loo joojiyey sababo la xidhiidha muran ka taagnaa dacwadda uu muddada dheer u xidhnaa.

Marxuumka oo ku meyd-baryay xalay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Kadib markii la geliyay Talaagada,

Marxuumka oo ka hor intii aanu geeriyoon  xabsiga Hargeysa ku xidhnaa muddo dheer, wuxuu ku eedaysnaa kiis dil ah, isagoo eedaa la wadaagay nin kale oo waqti hore la sii daayay.

Waxaana lagu sheegay sababta aaskiisa loo hakiyey in la tuso ehelada ninka uu kasoo jeeday Marxuumka hore ee dilkiisa loo haystay.

Mr. Rashiid Sulub Caalin oo ah muwaaddin iskii isugu xilqaamay inuu dhexdhexaadiyo ehelada maxbuuska xabsiga ku dhintay iyo qoyska ninka uu dilkiisa u xidhnaa, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in meydka marxuumkaasi weli yaal Cusbitaalka Guud, isla markaana aaskiisa lala sugayo qaraabada ninka dilkiisa loo haystay si ay ugu qancaan geeridiisa.

Waxa kaloo Mr. Sulub uu sheegay in ehelada ninka maxbuuska jeelka ku geeriyooday u xidhnaa oggolaadeen inay mag ka qaataan labada dhinac ee dilka wiilkooda ku eedaysnaa, kadibna qaraabada ninka kale ee la xidhnaa bixiyeen qaybtii kaga soo hagaagtay diyada, sidaasna uu xabsiga kaga baxay, balse qoyska uu ka soo jeedo marxuumka xabsiga ku dhintay shalay ka cago-jiideen bixinta qaybta kale ee magta, sidaa daraadeenna uu isagu isu xilqaamay inuu isu soo dhoweeyo labada qolo ee dhiigga kala doonayey.

“Markii aan hawshaas galay waxaan ku guulaystay in aan qoyska maxbuuska muddada dheer xidhnaa ku qasbo inay bixiyaan magta wiilkooda, waxaanay dhowaan maxkamadda keeneen qayb ka mid ah lacagtaas oo dhan 17 milyan shillinka Somaliland, laakiin ehelada ninka la dilay ayaa diiday inay qaataan mag kala dhiman, dabadeedna waxaan beryahanba ku hawlanaa sidii loo dhammaystiri lahaa lacagta

diyada, balse nasiib-darro hawshii oo meel fiican noo maraysa ayuu maxbuuskii muddada dheer jeelka ku jiray ku geeriyooday saaka salaaddii subax [shalay] xabsiga dhexdiisa,” ayuu yidhi muwaaddin Rashiid Sulub Caalin oo ka warramayey xaaladda maxbuuska meydkiisa laysku haysto.

Dhinaca kale,   Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in ay jiraan muddo dhaaf iyo is dul tuulan ku yimi maxaabiista ku xukumay dilka, isagoo caddeeyey in qaar badan ku dhex waasheen xabsiga oo maskaxdooda dhibaato nafsaani ah soo gaadhay muddada ay xidhnaayeen awgeed.

Xuseen Axmed Caydiid oo shalay horyimi Golaha Guurtida wuxuu iftiimiyey in ay ku gudda jireen sidii fulin loogu samayn lahaa dacwada hore u dhaqaaqi waayeen, isla markaana ay shir u ballansan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha si loo dhaqaajiyo dacawada fulinta ah.

“Xagga Maxaabiista dilka ku xukuman waa dhab oo maxaabiis fara badan oo dil ku xukuman baa is gaadhay, qaarkoodna maskaxdaabay wax ka noqdeen muddada dheer ee ay xidhnaayeen, kuwaasoo qof kasta oo soo hormara saxaradooda la dhacayey, waxaanay taasi u baahan tahay guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaalintaba waannu ka wadahadalnay, dacwadaha fulinta oo dhana waxaannu ku ballansanayn aniga, Wasiirka Daakhiliga iyo Maxkamadda Sare, balse hawshii Madaxweynuhu Jaamacadda Camuud ugu baxay baa naga baajisay, balse waannu ka balanay hawshaas dacwada fulinta wixii laga yeelaayo,” ayuu yidhi Md. Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in aan  mar qudha la wada fulin Karin xukunnada dilka a, maadaama ay tiro badan yihiin maxaabiista tirade badan ee xukunnadoodu dilka yahay, waxaannu yidh; “ Haddii dilku is gaadho oo la yidhaa tiirka ha lagu wada tiiriyo, xasuuq bay u eekaanaysaa oo warbaahinta caalamkaynu soo jiidanaynaa, waana mid u baahan in la maamulo bal sidii kale ee xal loo helayo amma dadkii la isu soo dhaweeyo in la heshiisiiyo amma xukuumaddu door muhiima ka qaadato oo kharashaadka dabarto, waana in bal falawgeeda la qabtaa sidii wixii hore meesha looga saari lahaa iyadoo aan dil la fulin,” ayuu yidhi wasiirka caddaallada Somaliland.

xiggasho Jamhuuriya

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *