bre1Ceergaabo(Araweelo News Network) Mudaharaadyo lagu diidanyahay qiimaha Maceeshada oo cirka isku shareeray, taas oo sababtay in meheradaha ganacsiga iyo dukuumadda saaka albaabada loo laabo kadib markii lacagta giinbaarta ah

 

 

ee laga bedelay xarunta sanaag ee Ceergaabo ay sababtay in dadweynaha Ceergaabo ku waaberiistaan jawi ka duwan kii xalay magaaladu ku seexatay.

Boqolaal dadweyne ah oo u badan dumar iyo caruur ayaa isugu soo baxaq saaka Fagaaraha Beerta Xoriyada, kuwaas oo dalbanayay in xukuumadda Somaliland wax ka qabato xaalada adag ee dhinaca nolosha. Sidoo kale mudaharaad kale ayaa ka socda suuqa hoose ee dhinaca Bariga Ceergaabo, kaas oo ka duwan mudaharaadka Beerta Xoriyada, iyadoo dadka suuqa hoose ka sameeyay Mudaharaadku diidan yihiin lacagta Somaliland, halka dadweynaha isugu soo baxa Beerta Xoriyadu dalbanayaan in wax laga qabto maceesha oo saaka cirka isku shareertay, iyadoo markaa kadibna dukuumada iyo bakhaaradu diideen inay lacagta Somaliland iyo tii hore oo weli suuqa ku jirta wax ku iibiyaan. Kadibna la xidhay dhamaan meheradii ganacsiga.

“Xaaladu way cakirantahay, waxa dhacaa rasaas ay ciidamada Boolisku ridayaan, weli ma arkin khasaare dhimasho io dhaawac, waxay xaaladu is bedehsay saaka barqadii, waxaana socda mudaharaadyo meelo kala duwan, waxa dadka qaar ka cadhoodeen qiimaha maceeshada oo sadex jibaar la kordhiyay, balse markii danbe ay meheradaha iyo dukuumadu diideen in ay gebi ahaanba wax ku iibiyaan lacagta Somaliland iyo lacagtii la bedela oo weli suuqa ku jirta” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka Ceergaabo oo sawiraya xaalada magaalada.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in masuuliiinta gobolku amar ku bixiyeen in lacagta Somaliland wax lagu iibiyo oo aan la aqablin lacag kale, balse waxa arrintaa ganafka ku dhiftay ganacsatada, kuwaas oo arrinta dhinaca kale u rogay, iyadoo ay jiraan kooxo isku xidhan oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo saraakiil xukuumadda ka tirsan oo diidan in lacagta Somaliland lagu socodsiiyo xarunta Gobolka Sanaag ee Ceergaabo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xukuumadda Somaliland lacagta giinbaarta ka bedeshay Ceergaabo, hawshaa  oo waqti kooban socotay, ayaa lala xidhiidhiyay mid qaab khaldan loo maamulay, iyadoo lacagta loo gacan geliyay dilaaliin, kuwaas oo sida ay doonaan u maamula lacagta. Kadibna fashiliyay qorshihii xukuumadda ee la doonayay in lagu dhaqan geliyo lacagta Somaliland.

Dhinaca arrintaa ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii u danbeeya si weyn loo hadal hayay in lacag malaayiin isugu jirta Giinbaarta la doonayo in la bedelo iyo lacago kale oo Foojari loo ekeysiiyay lacagta Somaliland lagu sheegay in shixnado lacagahaa ah laga soo rogay xeebaha gobolka Sanaag. Sidoo kalena qaar ka mid ah lacagahaa lagu hayo magaalada Boosaaso ee dhinaca Puntland, iyadoo la doonayo in mudada la bedelayo lacagta Giinbaarta ee Noodhka Soomaaliyadii hore oo ka kooban 1000 s sh. Suuqa la geliyo si dhaqaalaha Somaliland loogu wiiqo lacagahaa oo xadigooda iyo cida wadata si cad loo ogayn.

Xukuumadda Somaliland ayaa si ay arrintaa uga hortagto waxa gebi ahaanba xidhay xuduuda Somaliland la leedahay Puntland, balse waxa jira warar sheegaa in mar horeba lacagahaa lasoo geliyay magaalada oo lagu hayo goobo ka mid ah magaalada Ceergaabo, lacagtaas oo ka kooban Giinbaarta la bdelayo oo lasoo daabacay iyo lacagta Somaliland oo la foojarigareeyay, taas oo loo malaynayo inay tahay lacagta suuqa lagu arka saaka.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *