Hargeysa (Arrweelo News Network)Fadeexaddo kasoo baxay dib u dhiska lagu sameeyay dhowaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International ee magaalada, ayaa sababay in hakad ku yimaado duulimaadka Diyaaradda Ethiopian Airlines

 

 

ku imman lahayd shalay Madaarka Hargeysa, taas  oo gabi ahaanba baaqatay.

Waxaana ku hungoobay shalay gegida diaaraddaha rakaab gaadhaya 152 qof oo duulimadkii shalay ku

Qornaa, iyadoo aanay shirkadda diyaaraddaha ee Ethiopian Airlines wax jawaab ah ka bixin sababta ay u baaqatay, isla markaana aan wax raali gelin ah ka bixin dhibaatada iyo lugooyada ku dhacday dadka laga iibiyay Tigidhada oo doonayay inay raacaan.

Dhinaca kale dhibaatada ka taagan Madaarka ayaa saamayn ku yeelatay Duulimaadyadii Diyaaradda Daallo Airline u weecisay duulimaadkeedii garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Ilaa hadda si cad looma ogga sababaha keenay in diyaaradaha Ethiopian iyo Daallo u joojiyeen duulimaadkoodii ay Axaddii shalay ku iman lahaayeen madaarka Hargeysa, kuwaas oo tan iyo markii Madaarka dib loo furay  duulimaadyadooda si rasmi ah toddobaadkii hore uga bilaabay Madaarka Hargesa. Sidoo kale Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland iyo xukuumadda Madaxwene Siilaanyo ayaan ka hadlin arrintaa oo u muuqata fadeexad kasoo baxday dib u dhiskii lagu sameeyay Madaarka oo Mashruuc dawlada Kuwait ku caawisay Somaliland oo Malaayin dollar ah la doonayay in lagu casriyeeyo Madaaradda dalka ee Hargeysa iyo Berbera.

Hasayeeshee warar iyo xoggo la xidhiidha sababta diyaaradduhu u fadhiisan waayeen Madaarka ayaa sheegaya in dib u dhiska lagu sameeyay dhowaan aanu ahayn mid wax weyn ka bedelay sidii uu ahaa Madaarku, iyadoo dhinaca Ranwayga diyaaradduhu ka duulaan iyo dhinaca amaanka aan wax weyn laga qaban, waxayna arrimahani ka dhigayaan guulaha xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ku sheeganaysay inay wax ka qabteen oo casriyayn ku sameeyeen Madaarka Hargeysa mid aan waxba ka duwanayn indha sarcaad durba ay fashiliyeen shirkaddaha duulimaadyada ka samayn lahaa ee Ethiopian Airlene iyo Daallo Airleine.

jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *