Xukuumadda Somaliland Oo Xoriyadooda Usoo Celisay Weriyayaal Dhawr Maalmood Xabsiga Ku JIrayHargeysa(Araweelo News Network) Afar Weriye ciidamadu Booliska Somaliland Xabsiga u taxaabeen todobaadkii hore ayaa maanta xoriyadoodii loo soo celiyay. Kadib markii ay cuntada ka soomeen

 

Habeen hore, iyadoo diiday in ay wax cunaan inta ay xoryadoodii dib u helayaan.
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa maanta xoriyadoodii usoo celisay Afartaa suxufi oo xukuumadda Somaliland lagu canbaareeyay xadhigooda, waxaana sii deynta weriayaasha ka qaybqaatay Haweenayda gudoomiyaha Komishanka Xuuquuqda Aadamaha ee xukuumadda Fadxiya Jaahuur iyo xubno kale, kuwaas oo ku qanciyay xkuumadda in weriyaasha xoriyadooda loo soo celiyo.

Afartan Wariye ayaa Ciidanka Booliska oo fulinaya Amar uu bixiyeyTaliyaha  Boliiska ay Xidheen wakhti ay ku gudo-jireen Shaqadooda Hawlmalmeedka ahayd, waxaanay wakhtiga la xidhay Duubayeen Banaan-bax Salmi ah oo ay sameynayeen koox wariyeyaal ah oo ka Cadhoodey markii ay soo baxeen warar sheegaya in laba Nin oo ku eedeysnaa weerar hubaysan oo hore loogu qaaday Wargesyka Hubaal sanadkan horaantiisii  oo midkood xidhnaa si qarsoodi ah loo sii daayay.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *