Laascaanood(ANN) maxaabiis lagu qabtay dagaalkii u danbeeyay ee ciidamada qarnka Somaliland iyo malayshiyada nabaddiidka ee ka sugan deegaanka Buuhoodle  ayaa maanta  lays weydaarsaday. Maxaabiistaa oo tiradoodu ahayd Afar , isla markaana  lagu kala qabsaday dagaalkii

todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Buuhoodle.
Ma jiro war la xidhiidha  maxaabiista lala kala wareegay oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo dhinaca kale toona, balse sida ay u xaqiijiyeen  shebekada Araweelonews saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland waxa y  Xukuumadda Somaliland ku wareejisay dhinaceeda  Odayaal  ka socday deegaanka  Buuhoodle  ku wareejisay laba maxbuus oo kala ahaa C/Kariim Yuusuf Garaad, iyo Nin kale oo lagu naanayso  Qarad, kuwaas  laga sii daayay xabsiga magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer.
Iyadoo Odayaasha ka socday deegaankaas Buuhoodle xukuumadda Somaliland kusoo wareejiyeen laba  maxbuus magacyadoodu kala ahaayeen Muuse Yoonis Xasan Mahdi Cilmi Xuseen, kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland. wararka la xidhiidha maxaabiistaa ayaa sheegaya inay arrintaa ka shaqaysay Laanqayrta  cas ee caalamiga ah, isla markaana afartaa maxbuus lagula kala wareegay Tuulada Samakaab oo ka tirsan gobolka Sool.
Talaabada  maxaabiista lagula kala wareegay ayaa ku soo beegantay iyadoo  aan waxba iska bedelin jawigii colaadeed ee ka aloosnaa deegaankaa  oo ay wararka qaar sheegayaan inay kooxo malayshiyaad hubaysani weli isku urursanayaan deegaanka Buuhoodle, isla markaana ay ciidanka qaranka Somaliland dhinacooda heegan buuxa ku jiraan.
Dhinaca kale waxay talaabadani kusoo beegantay iyadoo kooxdii Cali Khaliif Galaydh ee xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay sabab u ahaayeen dagaalkaa iyo colaada ka aloosan deegaankaa ay socdaal taageero doon ah ugu maqanyihiin dalka Ethiopia, isla markaana ay habeenadii u danbeeyay ku sugnaayeen magaalada Jig-jiga ee xarunta u ah Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo sida ay wararka la xidhiidha socdaalkoodu sheegayaan inuu taageero u muujiyay maamulka Kililka Shanaad, taas oo xukuumadda Somaliland dacwad ka dhan ah maamulkaa u gudbisay dawladda Federaalka Ethiopia oo weli aan jawaab cad ka bixin dacwadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *