Beledweyn(ANN)Ciidamada Ethiopia eek u sugan Beledweyn ayaa Qarax lala beegsaday maanta barqadii. Kadib markii qaraxaa  logu weeraray  gaadiid ay la socdeen ciidamada Ethopia oo marayay xaafada Xaawo Taako ee Bariga Magaalada. Ciidamada Ethiopia
ayaan la ogayn khasaaraha soo gaadhay, balse Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen dad ku sugan magaalada Beledweyn, ciidamada Ethiopia ayaa rasaas kaga jawaabay qaraxaa, taas oo keentay dhimashada iyo dhaawaca dad shicib ah oo goobahaa ka dhowaa, iyadoo wararka qaar sheegayaan inay rasaastaa ku dhinteen ilaa shan 5 qof  inta la ogayahay, isla markaana dhaawacyo kala duwani soo gaadheen in ka baddan 12 qof, kuwaas oo cusbitaalka loola cararay.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya tirada dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu weeraray ciidamada Ethiopia iyo rasaasta ay kaga jwaabeen midna, laakiin waxay qaar ka mid ah dadka deegaanka aanu la xidhiidhnay, isla markaana ka cudur daartay in la magcaabaa sheegeen inay qaraxaa ka dib Ciidamada Ethiopia suuqa kasoo kaxaysteen dad shicib ah oo ay xeryohooda la tageen, kuwaas oo aan tiradooda la xaqiijin.  .
Qaraxa ayaa noqonaya Waa markii labaad oo qarax noocan ah lala eegto ciidamada Ethiopia tan iyo markii ay la wareegeen Magaalada Beledweyn 31kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay. Ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib markii uu  Raysal Wasaaraha Ethiopia Males todobaadkan sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Somalia, balse ma sheegin waqti cayiman oo ay ciidamadooda kala baxayaan gudaha Somalia.
Dhinaca kale Wararka ka imaanaya degaanka Hosingow ee Galbeedka Gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in dayaaradaha dagaalka ee Kenya  ay maanta  duqeyn u geysteen goobo saldhigyo ay sheegeen inay Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabab ay ku lahaayeen hareeraha Hosingow. Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha  ka  dhashay duqeyntaasi. Duqaynta ayaa kusoo beeganatay iyadoo ay deegaanada  Badhaadhe iyo Afmadow ee gobolkaasi ay ka jiraan abaabulo dagaal, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay deegaanka Baardheere oo ay ka talinayeen xarakada Al-shabaab ay ka baxeen, taas oo aan si cad loo ogayn sababta ay uga baxeen halkaa.
.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *