Hargeysa(ANN)Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia  Mr, Chris Allan, ayaa markii labaad wax ka yar laba todobaad booqasho  qaadanay  maalin ku yimi Somaliland maanta.  Waxaanu  kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo

masuuliyiinta  xisbiyada mucaaridka Somaliland  ee UCID iyo UDUB.
Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin ujeedada booqashada Ambassador Chris Allan  oo ah Safiir Ku xigeenka Safaarada Britain ku leedahay Addis ababa, balse wararka la xidhiidha ujeedada safarkiisa oo mudo ka yar laba todobaad uu markii labaad ku yimaado  Somaliland safiir ku xigeenka Britain ayaa la xidhiidha Olole dublamaasiyadeed oo ay Britain ku doonayso sidii ay Somaliland ugu qancin lahayd shirka doodaha badani ka dhasheen ee dareenka shakiga ka abuuray saaxafa siyaasada Somaliland, kaas oo ay Britain ku sheegtay ujeedadiisa sidii mushkilada Somalia xal loogu heli lahaa. Laakiin aan si cad loo ogayn ajandaha rasmiga ah ee shirkaa oo durba ay ka horyimaadeen caqabado siyaasadeed. Kadib markii ay soo baxeen qorshayaal dalalka Iran iyo Talyaaniga mid walba dhinaceeda u wado oo la doonayo in lagu fashilayo shirkaa ay Britain ku baaqday inay dalkeeda ku qabato 23 February 2012.
Ambassador Chris Allan  kulanka Madaxweyne Siilaanyo ka sokow wuxuu la kulamay masuuliyiinta labada xisbi mucaarid ee UCID iyo UDUB, wuxuuna kala hadlay shirkaa oo uu sheegay inuu fursad u yahay Somaliland. sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay inay ka qaybgasho.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha shirka London waxaanu yidhi “Waxa uu u socday Safiir Ku xigeenku waa shirka London,waanaga la shirnay waxa shirkan lagaga hadlayaa arrimaha budhcad badeedka,nabadgelyada iyo arrimaha Somalia sidii wax looga qaban lahaa waxaana ka qeyb galaya dawlad goboleedyadii yar yaraa ee ay ka mid yihiin Puntland, Gal-mudug, Ehelu Suna wal jamaaca iyo TFG-dii. Inagana waxa la inagu yidhi kaaliya shirkan waa la idinka faa’iidaysanayaa, idinkuna waad ka faa’iidaysan doontaane’e. waxaan filayaa inay su’aalo ay xukuumadeenu tidhi noo soo cadeeya Ingiriiska inuu waday Safiirku.marka arrintaasi loo soo cadeeyana waxaan dawlada ka filaynaa in sidii ay balan qaaday in wada tashi la iskugu yimaadaa.”
Hase yeeshee tibaaxo shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay socdaalka Safiir ku xigeenka Britain iyo dublamaasiyiin u dhuun daloola ajandaha iyo qorshaha shirkaa ayaa sheegaya in Britain si cad u doonayso in Somaliland shirkaa ku biiriso wixii talo iyo xal ay u aragto ee mushkilada Somalia, isla markaana aanay iyadu qayb ka noqonayn  mashaakilka  iyo fowadada ka taagan Somalia oo si gaara loo dhegeysanayo doodeeda oo lagu qaabilayo maqaam ka duwan ka soomaalida kale ee ka qaybgelay shirkaa, iyadoo tibaaxahaasi sheegayaan in Madaxweynaha Somalialnd Axmed  Siilaanyo lagu maamuusay inuu qudbad uu kaga hadlayo xalka mushkilada Somalia iyo qadiyada Somaliland ka jeediyo madasha shirkaa oo ay ka qayb gelayaan in ka baddan afartan hogaamiye oo ka imanaya dalalka aduunka.
Tibaaxa la xidhiidha socdaalka safiir ku xigeenka Britain ee Addis abba ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland hada si cad mawqif  uga qaadatay shirkaa inay ka qaybgalaan, iyadoo ay qorshaha Britain ee shirka London ka cadhoodeen  dawladda taagta daran ee Somalia iyo dalal baddan oo Ethiopia, Talyaaniga iyo kuwa carbeed ka mid yihiin. Kadib markii qorshihii dahsoonaa ee Britain u danaynaysay inay Somaliland ka qaybgasho oo si gaara loo tixgelinayo ogaadeen, isla markaana ay bilaabmeen dhaqdhaaqayo dublamaasiyadeed oo Raysal wasaaraha dawladda taagta darani ku tegey dalka talyaaniga, taas oo qayb ka ah sidii looga hortegi lahaa qorshaha Britain eek u waajahan Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *