Laascaanood(ANN) maxaabiis lagu qabtay dagaalkii u danbeeyay ee ciidamada qarnka Somaliland iyo malayshiyada nabaddiidka ee ka sugan deegaanka Buuhoodle ayaa maanta lays weydaarsaday. Maxaabiistaa oo tiradoodu ahayd Afar , isla markaana lagu kala qabsaday dagaalkii
todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Buuhoodle.Ma jiro war la xidhiidha maxaabiista lala kala wareegay oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo dhinaca kale toona, balse sida ay u xaqiijiyeen shebekada Araweelonews saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland waxa y Xukuumadda Somaliland ku wareejisay dhinaceeda Odayaal ka socday deegaanka Buuhoodle ku wareejisay laba maxbuus oo kala ahaa C/Kariim Yuusuf Garaad, iyo Nin kale oo lagu naanayso Qarad, kuwaas laga sii daayay xabsiga magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer.
Iyadoo Odayaasha ka socday deegaankaas Buuhoodle xukuumadda Somaliland kusoo wareejiyeen laba maxbuus magacyadoodu kala ahaayeen Muuse Yoonis Xasan Mahdi Cilmi Xuseen, kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland. wararka la xidhiidha maxaabiistaa ayaa sheegaya inay arrintaa ka shaqaysay Laanqayrta cas ee caalamiga ah, isla markaana afartaa maxbuus lagula kala wareegay Tuulada Samakaab oo ka tirsan gobolka Sool.
Talaabada maxaabiista lagula kala wareegay ayaa ku soo beegantay iyadoo aan waxba iska bedelin jawigii colaadeed ee ka aloosnaa deegaankaa oo ay wararka qaar sheegayaan inay kooxo malayshiyaad hubaysani weli isku urursanayaan deegaanka Buuhoodle, isla markaana ay ciidanka qaranka Somaliland dhinacooda heegan buuxa ku jiraan.
Dhinaca kale waxay talaabadani kusoo beegantay iyadoo kooxdii Cali Khaliif Galaydh ee xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay sabab u ahaayeen dagaalkaa iyo colaada ka aloosan deegaankaa ay socdaal taageero doon ah ugu maqanyihiin dalka Ethiopia, isla markaana ay habeenadii u danbeeyay ku sugnaayeen magaalada Jig-jiga ee xarunta u ah Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, halkaas oo sida ay wararka la xidhiidha socdaalkoodu sheegayaan inuu taageero u muujiyay maamulka Kililka Shanaad, taas oo xukuumadda Somaliland dacwad ka dhan ah maamulkaa u gudbisay dawladda Federaalka Ethiopia oo weli aan jawaab cad ka bixin dacwadaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com