images/stories/gudida il.jpg    Hargeysa(ANN)Guddida Madaxweynaha la soo doortay u magcaabay  ilaalinta iyo dabo-galka Hantida Qaranka muddada kala guurka, ayaa digiin culus u soo jeediyey cid kasta oo ku howlan boobka Hantida Qaranka, isla markaana sheegay  inay  25July  2010  soo bandhigi doonaan natiijadii ka soo baxday baadhitaanadii ay sameeyeen ee ha’yadaha dawlada iyo agabka hantida qaranka ee hoos taala.balse ay waqtigan doonayaan inay fariimo u gudbiyaan bulshada iyo dadka ku hawlan boobka iyo tuugada hantida qaranka.

Guddidu waxa ay sidaa ku sheegeen shirjaa’id oo ay maanta ku qabteen Hotelka  Emperial ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga xog-warameen halka ay marayaan hawlihii loo igmaday  iyo fariinta ay u gudbinayaan cid kasta oo ku hawlan boobka iyo bililiqada  hantida Qaranka.
Gudoomiyaha Guddida Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inay si fiican ugu socdaan hawlihii daba-galka Hantida Qaranka ee ku hawlanayeen mudadii la magcaabay, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aanu maanta ka hadlaynaa ilaalintii bililiqaysiga [boobka] Hantida Qaranka, Horta waa ilaahay mahadiiye waxa aanu u mahadnaqaynaa shacabka Somaliland, oo indhahayaga iyo dhegahayaga ahaa, wayxaabo badan-na nooga soo waramayay. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Ciidanka Booliska Somaliland oo iyaguna si fiican noola shaqeeyey, oo iyaguna hawshaa aad iyo aad noogu fududeeyey. Wax kale oo aad noo taakuleeyey oo aanu u mahadnaqaynaa niman badan Oo Wasaarado fara badan xilal u haya oo shaqadii aanu u soconay iyo akhbaartii aanu raadinaynay si weyn noogu fududeeyey.”
Mar uu ka hadlayay wakhtiga ay soo bandhigi doonaan natiijada hawlihii ay soo qabteen waxa uu yidhi “Annagu haddii ilaahay ka dhigo bishan 25-da ayaanu soo bandhigaynaa warbixin dhaystiran oo ay ku jiraan waxii aanu soo qabanay, wixii aanu badbaadinay, wixii aanu ku guulaysannay inaanu dhaca iyo boobka ka ilaalino oo dhan ayaanu soo bandhigi doonaa. Markaa shacabka Somaliland ayay u taalaa inay arkaan in wax la bililiqaystay iyo in kale. Kolkaas faa’ido ma leh annaga iyo Wasiiro sii socdaa inaanu muranno.”
Waxa uu faahfaahin ka bixiyey noocyada Handtida ay ilaalinayeen, “Hantida aanu ilaalinaynay saddex nooc ayay ahayd midi waxa ay ahayd; Qarashka, lacagta iyo xibaabka Qaranku leeyahay ee Bangiyada ku jira ama wax kayd ah ha ahaadeen ama wax soo gelaya ha ahaadeene inaan si qalad ah loo isticmaalin waanu ku hawl-jirnay. Ta labaad, waxa aanu ku hawl-jirnay Gaadiidka Dawladu leedahay inaan iyagana la bililiqaysan. Ta saddexaad ee ugu weyn aan doonayo inaan ka hadlaa waxa weeyaan Boobka iyo dhaca lagula kacay guryihii iyo dhulkii Qaranku lahaa. Waad og tihiinoo waxa kala iibsanayaa Guryihii ay dawladu lahayd, oo lacag badan lagu kala iibsanayaa, aniga oo taa hadlaya go’aan adag ayaanu ka qaadanay, Madaxweynaha la doortayna wuu nagu taageeray. Go’aankaasi waxa uu yahayna waxa aan u dhaafayaa walaalahayga ila fadhiya ee Gudayda ka midka h.” Ayuu yidhi Cabraxmaan Cabdiqaadir.
Waxa uu u digay dadka iibsanaya hantida Qaranka, “Ninkii bixinayay Hanti ay Ummadu leedahay sharciga ayuu jebiyey, Ummada ayuu dembi ka galay, Ilaahay iyo diinta ayuu ka galay ku guulaysan maayo ee waa laga daba imanayaa, shaqo ayaa laga qabanayaa oo sharciyadda ayaa la marsiin doonaa. Kii qaatay-na ka sii darran oo laba khasaare ayuu leeyahay. Horta waa tuul-kalkaal oo Hantii Ummada ayuu dhacay. Lacagtii aad ku iibsatay-na waad iska khasaareeyey oo shaydaan ayaa kaa qaaday. Ragga aan la hadlayaa way isgaranayaan oo waa niman tijaar ah oo magaalada jooga, ballan waxaan idinka qaaday inaydaan calfanayn ee intay ay goori-goor tahay lacagtiinii la soo noqda.”
Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in boobka lagu hayo Hantida Qaranku uu soo shaac-baxay oo aanay cidiba qarsanayn, isla markaana waxa uu xusay inay dadka baraarugeen inay heegan ka yihiin cidda wax dhacaysa.
Waxa uu dafafeeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumada xilkeedii dhamaaday oo tibaaxay inaanay jirin wax hanti ah oo la lunsaday, isaga oo si gaar ah u abbaaray Taliyaha Booliska Somaliland, “Booliska laftiisu isaga ayaa sheegay inay bililiqo socoto oo baabuur waa weyn iska daayoo Fatuuradii yar yaraa ayaa baxrsan waayey, arrintaa Booliska ayaa si cad u sheegay. Markii aan xalay TV-ga ka arkay [shirkii jaraa’id ee Wasiirada Hawlaha guud iyo Arrimaha Gudaha Iyo Taliyadaha Booliska] oo weliba Taliyaha Booliska laftiisu meesha joogay, ayaan is idhi tolaw ma warkii Taliyaha ayaa la beeninayaa.
Waxa uu sheegay inay soo bandhigayaan  warbixin  si weyn uga hadlaysa macluumadkii ay soo ururiyeen, baabuurta la qabtay, meelaha laga qabtay iyo weliba tirada la qabtay.
Waxa kale oo uu ka hadlay  Hantida ma guurtada ah ee dhulka iyo Guryuhu  ka midka yihiin, “Hanti ma guurto ah oo maanta la kala wareejiyo oo inta magacyadii laga bedelo magac kale lagu qoraa waa mustaxiil waa inaanay dhicin. Haddii ay dhacdana kolay lagu baxsan maayoo qofkaasina hawl ayuu korodhsadoo weliba eedina way u imanaysaa. Markaa waxa aana arrintaa uga digaynaa dadka masuuliyiinta ah iyo weliba kuwa iibsanaya.”
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayate oo ka mid ah xubnaha gudida oo hadal kooban  halkaa ka jeediyay , ayaa dadweynaha si weyn ugu booriyey inay ilaashadaan Hantida Qaranka oo ka timi cashuurtii laga qaadayay.
Waxa uu farta ku fiiqay cidda ay yihiin kuwa hantida Qaranka lunsanayaa, “Qolyaha Hantida Qaranka la wareegayaa waa laba kooxood, qolo waa qolo bililiqo doon ah oo doonay inay Hantidii Qaranka bililiqaystaan. Qolodaasi fikrad khalad ah ayay qaateen, waxa maskaxtooda ku qafilan dawladii Siyaad Barre markii ay dhacday, waa tii xooga lagu burburiyey oo dawlad bedeshaa may jirin. Dabeeto dadbaa bililiqaystay oo ka taajiray. Tii oo kale ayaa dad badan caqligooda galay, tani maaha tii oo waa laba xukuumadood/laba xisbi oo taladii dalka la kala wareegaya, oo markii xisbiga talada haya lala tartamay ayaa laga helay oo labadii madaxweyne ayaa xilka la kala wareegaya, oo wax kale ismay bedelinoo wax kastaa sidoodii ayay ahaanayaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.
Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in Hantida ma guurtada ah ee dhulka iyo guryuhu ay ka midka yihiin inay siyaabo mucayin ah oo shircigu baneeyey loo kala wareejiyo, isaga oo sheegay dhulka dawladuna inuu sharci gaar ah leeyhay oo cidina aanay iska qaadan karin, ciddii qaadatana laga daba-tegayo.
Waxa uu hoosta ka xariiqay dadka ganacsatada ah ee iibsanaya Hantida ma guurtada ah ee dhulka iyo guryuhu ku jiraan inay ka lacagtooda bullaacad ku daadilayaan oo ay xaaran iibsanayaan, isla markaana aan hadhow laga hadhi doonin.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo  Xildhibaan Ibraahim Xasan Raygal oo iyaguna ka mid ah xubnaha guddida, ayaa iyaguna ku nuuxnuuxsday boobka iyo dhaca lagu hayo Hantida Qaranka, isla markaana waxa ay sheegeen in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda lunsiga Hantida Qaranka.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *