Buuhoodle(ANN) Dagaal ayaa saaka subaxnimadii hore dib uga bilaabmay deegaanka Maygaagle ee Duleedka Buuhoodle. Kadib markii Malayshiyada huwanta ee ku dhuumaalaysata deegaankaa isku dayeen inay soo weeraraan ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan halkaa, kuwaas oo

 

dhirbaaxo kulul kala kulmay weerarkaa.Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa sheegay in dagaalka saaka ka qarxay deegaankaa uu ka danbeeyay markii malayshiyada Buuhoodle soo weerareen fadhiisimada Caadanka Qaranka Somaliland ee k  sugan ahalkaa, wasiir Caddami oo galabta shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu yidhi,   “Dhacdo aanaan ku faraxsanayn ayaa xalay gelinkii dambe ka dhacday meesha la yidhaahdo Sool-joogto deegaankii ciidanka qaranku ku sugnaa, waan-waan ayaa socotay baaqii ugu dambeeyay markii uu Madaxweynuhu Addis-ababa qabanayay waa kii boodhka ka tumay ee is yidhi qaar ayaanay malaa rasaaladdu wali gaadhine’e waa kii baaqa nabadda ku dhawaaqay ee gogosha nabadda fidiyay. Sidaasi ayaa daliil u ah inay dawladda Somaliland ka go’an tahay nabaddu.”

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in ciidanka qaranku ay ka jawaabeen weerarkii lagu soo qaaday waxaanu yidhi “Iyadoo sidaasi la isku ogyahay waxa xalay abaaro 4:00 habeeninimo maleeshiyo gaadmo ku tallo galay ayaa ciidanka dhinaca dambe kaga yimid, wixii dagaal lahaan jiray iyo isla rafadkii iyo wixii dagaal lahaan jiray ayaa dhacay.dabadeedna waxa soo gaadhay ciidamadii ku dhawaa ee difaaca dambe ku jiray. Dabadeedna wuu is bedelay gaadmadii iyo wajigii dagaalku. Waxa markaasi bilaabmay dagaalkii dhabta ahaa ciidankuna waxay soo ceshadeen goobtii ay fadhiyeen waxaanay la soo noqdeen hub laga qabsaday waxaanay fogeeyeen maleeshiyadii soo duushay. Waxaanay hadda ciidanku qaranku fadhiyaan halkoodii.”

Wasiirka Gaashaan-dhiga oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Mar labaad ayay maleeshiyadii isa soo abaabushay abaarro 10:45 daqiiqo ayay ahayd dib ayaa mar labaad loo celiyay, dagaalkii wali wuu socdaa.anagu kuma faraxsanin dhimashada iyo dhaawucuba labada dhinacba waa xagayaga. Inta bandanna daacyada iyo baro-bagaandada kuma darno warkayaga.”

Md. Cadami waxa uu tilmaamay in ciidanka qaranku uu xaq u leeyahay inay is difaacaan, waxaanu xusay inay heegan ku jiraan oo isu soo gurmadeen.
Wasiirka oo la weydiiyay baaxadda khasaaraha dagaalka waxa uu sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawacba, waxaanu qiray in ciidanka qaranka ay ku dhaawacmeen 12 askari.

Wasiirka oo la weydiiyay inay jirto maamul xumo ciidanka qaranka soo waajahday oo dhabqisay dagaalka waxa uu yidhi “Waan sheegay saacada la isku soo guday, waan sheegay in dagaalku gaadmo ahaa ma jirto waxaas aad sheegaysaa. Waan ku arkaa aniguba suuqa ciidamo aanan garanayn ciday u shaqaynayaan oo aad is leedahay waxay doonayaan inay Somaliland jabto.waxay ciidankeenu xaq inoogu leeyihiin inaynu maskaxiyan u dhiiri gelino.”

Hase yeeshee  warar oo shebekada wararka Araweelonews,  ayaa   sheegaya in Ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku dhigeen Maxaabiis dhawr iyo toban ah,   kuwaas oo la keenay deegaanka Qori-lugud. Iyadoo tiraba ilaa laba gaadhi laga gubay, kuwo kalena laga qabsaday.  Sidoo kale waxay wararkaasi sheegeen in ciidanka qaranku dhirbaaxo kulul ku dhiftay malayshiyadaa, isla markaana lagu celiyay meelihii ay ku dhuumanayeen ee deegaanka Buuhoodle.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee aaga hore ee dagaalka ayaa sheegaya in dagaalku istaagay maanta duhurkii ka dib, isagoo socday ku dhowaad 7 saacadood. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in malayshiyada maamulka Budhcad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe ay madaafiic kusoo tuur tureen saaka jiida hore ee Duleedka Tukaraq ee Ganbadhe  oo ah fadhiisimida  ciidanka qaranka eek u sugan deegaankaa, iyadoo malayshiyada Puntland  doonayay inay mashquuliyiin ciidanka qaranka ee aagaa. Kadib markii uu bilaabmay dagaalka deegaanka Buuhoodle.
Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hada sheegaya khasaaraha dagaalka, balse dad ku sugan deegaanada u dhow halkaa ayaa u sheegay shebekada wararka Araweelonews inuu dagaal saaka dib uga bilaamay halkaa, iyadoo meelaha deegaanka u dhow laga maqlayo gariirka madaafiicda iyo hubka darandooriga u dhaca.  Malayshiyada huwanta ee nabaddiidka ayaa maalmahan isku urursanayay halkaa, iyadoo ay jireen warar sheegaya inay deegaankaa dhowaan yimaadeen kooxo la rumaysanyahay  inay ka mid ahaayeen Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia, kuwaas oo laga soo caydhiyay deegaamada Koonfurta gaar ahaan deegaanka Gedo iyo Jubooyinka qaybo ka mid ah.
Wixii warar ee kasoo kordha dagaalkaa iyo khasaarahu inta uu leegayahay oo faahfaahsan kala soco Araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *