Eng. Maxamed XaashiHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku jiraan shaqsiyaad khaatiyaan laga taagna xiliggii Taliskii Milateriga

 

ahaa ee Maxamed Siyaad Bare, wuxuuna Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ku eedeyey in aanay ka qaybgelin aaska loo sameeyo dadka laga soo saaro xabaalo-wadareedyada xasuuqii Siyaad Barre shacabka u gaystay.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen maanta axsaabta mucaaridka iyo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu, wuxuuna ku tilmaamay xukuumadda Siilaanyo mid sharciga laashay oo ay ku jiraan shakhsiyaad dawladdii Millateriga ee Siyaad Barre khaati laga taagna.

“Xasuuq baa dhacay, aqoonsigan aynu doonaynaana wuxuu ku xidhan yahay wixii dhibaato ah ee ina soo gaadhay, xasuuqaas waxay ahayd inay dawladdu xoogga saarto oo dadkii si wanaagsan loo aaso oo xabaalaha magacyadoodii lagu qoro oo la hagaajiyo ayey ahayd si dadka inoo yimaada u arkaan oo loo yidhaa meeshan masiibo weyn baa ka dhacday, waana in wixii ina gaadhay aynu sheeganaa. Markii la aasaayey qalfoodka dadkii la xasuuqay ee  kuwii khubarada badhista xasuuqa (Forest Expert) soo saareen Madaxweynuhu kama qaybgelin ee SNM iyo halgankii ka madaxda ahaa, Madaxweyne-ku-xigeenku kama qaybgelin, Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay dhiigii dadkaas, Madaxweyne-ku-xigeenkuna wuxuu Madaxweyne-ku-xigeen ku yahay dhiigii dadkaas, waxaanay ahayd inay tagaan, kana qaybgalaan, dadkana ku dhiiriyaan, marka sidan ay u socoto sidii loo doortay maaha, wixii laga filayeyna maaha, markaa dawladdu xaqa ha u soo noqoto ayaan leeyahay,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kale oo uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay dadka ku hayso cago-juglayn, isagoo xusay in aanay dawlad ahaan ka xoog-weynayn talliskii Siyaad Barre, waxaannu yidhi; “Waa inaad xaqa u soo noqotaan oo caga-juglaynta iska daysaan, waayo ma soconayso ina Siyaad Barre kama askar iyo hub badnidin, kamana awood weynidin, marka Ina Siyaad Barre halkuu maray buu kii xumina mari, marka halkii la idiin doortay Ceeb mahaa inaad tidhaahdaan cid walba waan aamusiin karna.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu intaa ku daray in xukuumadda iyo Baarlamaanku isku bahaysteen sidii doorashooyinka dib loogu dhigi lahaa, muddo kordhina u samaysan lahaayeen, waxaannu yidhi; “Dawladan siday ololaha ku galeen ee wanaaga oo dhan laga filayey inay sameeyaan bay ahayd, balse wixii oo dhan way dhaafeen, ta meesha taalaana waxa weeyaan shalay waxaad lahaydeen yaan doorasho dib loo dhigin aan sharci ahayn, maantana idinka soo xaam-xaamanaya oo suuqay ku jirta inaydaan doonaynba in doorasho la galo. Barlamaankuna wuxuu ku raacsan yahay oo uu la qabaa in muddada kolba la kordhinayo iyagana dani ugu jirto, heerka Baarlamaanku gaadhay waxa weeyaan; waxa la yidhi xeer maamuus baa la samaynayaa, dabadeed waxay yidhaahdeen anagana ha naloogu daro oo qofkii doorashadda ku dhaca in sannad mushaharka la siinayo, waana wax laga xishoodu sida baarlamaanka falayaan, dawladduna samaynayso, Madaxweynaha iyo ku-xigeenku hadday ummaddaba rogaan maamuus bay leeyihiin baa lagu odhanaya.” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *