Hargeysa(Araweelo News Network)Ugu yaraan sadex maxbuus ayaa ka baxsaday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa. Kadib markii maanta duhurkii maxaabiista doonayay in ay baxsadaan isku dhaceen askarta Ilaalada
Xabsiga oo ay is weydaarsadeen rasaas.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in maxaabiista doonayay in baxsadaan ay tiradoodu ahayd sadex maxbuus oo ka mid ah Budhcad-badeeda ku jira xabsiga, kuwaas oo sida ay wararku sheegayaan ku hubaysnaa Baastoolado, balse ay isku dhaceen Ciidanka gaadhka xabsiga ee gudaha.
Hal Askari ayaa dhaawac kasoo gaadhay isku dhaca maxaabiista baxsanaysay iyo Ilaalada Xabsiga, waxaana dhaawacyo soo gaadheen Lab aka mid ah Maxaabiista doonayay in ay baxsadaan, balse waxa jira warar sheegaya in mid ka mid ah maxaabiista uu ka badbaaday askarta.
Ciidamada RRU ayaa markiiba gaadhay xabsiga, mana jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dhacdadaa Saraakiisha Xabsigu.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco halkan.