-
Published On: Fri, Jun 11th, 2010

Maxaa sababay dabayshani?

Smiley face
Share This
Tags

Qalinka: Cabdirisaaq Caqli

 

Shaki kuma jiro inay dabayl aad u xooggan oo isbeddel doon siyaasadeed ahi si weyn u saamaysay dalka Somaliland.

 

Taasoo ay dadweynaha Somaliland badidoodu si xooggan u taageersanyihiin xisbiyada mucaaridka si loo bedelo xukuumadda maanta ka talisa dalka doorashada foodda inagu  soo haysa. Taasina waa mid si caddaan ah u muuqatay maalmihii ugu horreeyay ee ay sadexda xisbi Qaran u soo baannaanbaxeen ololihii doorashada, mid walibana uu muujiyey dhoola-tuska cududda taageerayaashiisa. Halka ay taageerayaasha xisbiga UDUB u soo banbaxay ka ahaayeen kuwo uu xisbigu  soo abaabulay, oo weliba meelaha qaarkood sida magaalada Hargeysa oo kale, uu xisbiga UDUB dadka u qaybinayey lacag si uu xisbigu u badiyo tirada dadka u soo banbaxday, waxay taageerayaalka mucaaridku iskugu jireen taageerayaal ay xisbiyada mucaaridku soo abaabuleen iyo dadweyne aan cidina soo abaabulin oo aad uga farabadan ka la soo abaabulay si gaar ahaaneedna u soo muujiyey taageeradooda. Kuwaasi oo ay ka muuqato qiiro xooggan oo ay ku diidanyihiin xukuumadda maanta jirta.  Maxaa hadaba sababay dabayshani xooggan ee saamaysay badi dadweynaha Somaliland ee ay ku doonayaan in xukuumadda maanta dalka ka talisa lagu beddelo warqadda codaynta doorashada?

 

 

 

 

Marka su’aashaasi la weydiiyo dad kala duwan, waxaa kuu muuqanaya inay dadka badidoodu diidanyihiin kana soo horjeedaan habka ay xukuumadda maanta dalka ka talisaa wax u maamulayso. Haddii arrintaasi la sii dabogalo oo la raadraaco loona fiirsada qaabka uu maamulka xukuumaddu u shaqaynayo waxaa markiiba si cadaan ah u muuqanaya inuu yahay qaab liddi ku ah tusaalooyinka Maamul Wanaagga ( Good Governance) Waana qaabka loo yaqaanno Maamul Xumaan (Bad Governance). Waxayna aqoonyahanada noocyada maamulada kala duwan wax ka qoray ku tilmaamaan inay Maamul xumaantu  sabab u tahay horumar la’aanta oo idil.  

 

Kadib markii Madaxweyne Rayaale la soo doortay bishii April ee sannadkii 2003 waxaa la soo gudboonaaday inuu kala doorato laba fikradood oo aad u kala duwan liddina  isku ah. Fikradda hore oo uu watay Wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale waxay ahayd in xukuumaddu ku sii socoto hab-maamulkii uu dejiyey Madaxweyne Cigaal ee ahaa in dakhliga xukuumadda soo gala qayb ka mid ah la geliyo miisaaniyadda, qaybta kalena aan la gelin miisaaniyadda ee ay ku xarooto qasriga madaxtooyada si uu Madaxweynuhu gacanta ugu haysto oo uu isagu siduu doono ugu takri falo. Fikradda labaad oo uu soo jeediyey Wasiirkii ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi waxay ahayd in dakhliga xukuumadda soo gala oo dhan uu gebi ahaantii ka muuqdo miisaaniyadda lana wada geliyo. Waxayna labadaasi fikradood foodda is dareen ansixintii miisaaniyaddii ugu horreysay ee la soo hordhigay golaha wasiirada sannadkii 2005. Waxaana fadhigaasi ka muuqday in Madaxweyne Rayaale uu doorbiday fikraddii uu hogaaminayey wasiir Cawil ee u oggolaanaysay inuu gacanta ku haysto qayb ka mid ah dakhliga xukuumadda soo gala oo aan la gelin miisaaniyadda. Waxaana muuqatay inuu Golihii Wasiiradu uu u nacamleeyay siduu doonayeye Madaxweyne Rayaale. Halkaasina wuxuu Maxamed Xaashi ku lumiyey xilkii Wasiirnimo. Wasiiradii u nacamleeyey Madaxweyne Rayaalana waxay abaalgud u heleen in iyaguna qaybta miisaaniyadda looga qoondeeyo ay siday doonaan ugu takrifalaan ee aanu Madaxweynuhu soo farogelin, lana xisaabtamin ilaa iyo inta ay wasiirada iyo shakhsiyaadka kale ee gacanta ku haya ilo dhaqaaleba ay taageersanyihiin maamulka Madaxweyne Rayaale. Hase ahaatee waxaa soo ifbaxay oo ay dadweynaha maanta codkooda dhiibanayaa ogaadeen in dakhli malaayiin doolar ah oo xukuumadda sannad walba soo gala aan lagu soo darin miisaaniyadda ee uu ku xaroodo qasriga madaxtooyada.

 

Arrintii may noqon mid halkaasi ku dhammaatay. Markii la soo doortay golihii wakiilada ee cusbaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2005 ayey labadii fikradood mar labaad noqdeen kuwo ay ku hirdamaan xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiiladu. Miisaaniyaddii ugu horreeysay ee la soo hordhigo golahani cusub sannadkii 2006, ayey ka dhex muuqatay inay ka maqantahay lacag malaayiin doolar ah oo ku xaroota qasriga madaxtooyadu. Halkaasina waxaa ka bilaabmay dagaal hor leh oo dhex mara xukuumadda iyo golihii wakiilada. Dagaalku se waa mid ay ku hirdamayaan dad kala wata labada fikradood ee  loo kala yaqaan “Maamul Wanaagga” iyo “Maamul Xumaanta.”    

 

Sharciga oo taliya wuxuu ka mid yahay tusaalooyinka “Maamul Wanaagga”. Distoorka ayaana ah sharciga ugu mudan ee sharciyada dalka oo idil laga sii dheegto. Wuxuuna distoorka Somaliland qeexayaa in sadexda hay’adood ee Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorku yihiin sadex hay’adood oo kala madaxbannaan, tiiyoo uu mid walbana uu distoorku u qeexayo waajibaadkiisa. Garsoorka Somaliland ee maanta jira laguma tilmaami karo mid ka madax-bannaan gacanta madaxweynaha. Taasi ka sokow, farogelinta xukuumadda ee golayaasha sharci-dejinta iyo fulin la’aanta xeerarkii ay ansixiyeen golayaasha sharci-dejintu waa ku xad gudub distoorkii dalka ka talin lahaa. Sidoo kale shirkadaha ajnabiga ah ee ay xukuumaddu la gelayso heshiiyo qarsoon oo aan la soo marin golayaasha sharcidejintu waa ku xadgudub distoorkii dalka iyo sharcigii talin lahaa oo meesha laga saaray. Taasina maaha mid ka qarsoon dadweynaha Somaliland ee doorashada maanta codkooda dhiibanaya.  

 

Distoorka Somaliland ayaa qeexaya inay dooorashada Madaxtooyadu qabsoonto shantii sannadoodba mar. Waxaana maanta muuqata in ay doorashadani dib u dhacday laba sannadood iyo dheeraad. Taasina waxaa sabab u ah xukuumad ka cago jiidaysay inay  doorashadu qabsoonto xilligii loogu talo galay oo kolba loo kordhinayey marka uu dhammaado mudada xilkeedu, tiiyoo aanay weli doorashadii  qaban. Cago-jiidkaasi ay xukuumaddu ka muujisay doorashada waa mid maanta seejin doona codad aad u farabadan.    

 

Waa mid la ogsoonyahay in Maamul Xumaantu ay u horseeddo horumar la’aan. Lacagta malaayiinta doolar ah ee ay xubnaha xukuumadda iyo xisbiga UDUB siday doonaan ugu takri falayaan, ee aan miisaaniyadda ka muuqan waa tii lagu fulin lahaa mashaariicda horumarinta dalka, ee shaqo la’aanta dhallinyarada tahriibaysa wax weyn ka tari lahayd. Horumar la’aanta Somaliland maanta ku habsatay waa mid lagu tilmaami karo inay ugu wacantahay hab-maamulka ay xukuumadda Rayaale caadaysatay ee Maamul Xumaanta ku salaysan. Waana ta sababtay dabayshani xooggan ee ay dadweynaha Somaliland ku taageersanyihiin xisbiyada mucaaridka, laguna doonayo in xukuumadda dalka ka talisa lagu beddelo warqadda codaynta.

 

 

Qalinka: Cabdirisaaq Caqli

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>