Ceergaabo(ANN)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah musharaxa u tartamaya Xisbul xaakimka UDUb oo labdii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo ayaa xalay saacadii danbe

 

 kasoo baxay halkaa, wuxuuna maanta kulamo gaar gaara la yeeshay Odayaal ka tirsan deegaamada Ceel-Afweyn iyo Garadag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

 

 

Musharaxa UDUB Mr. Rayaale wuxuu mudadii uu ku sugnaa magaalada Ceergaabo kulamo la yeeshay Odayaal ka tirsan dadka deegaanka oo kulamo gooni gooni ah uu la yeeshay, laakiin kulamadaa ayaa noqday kuwo natiijadoodu ku dhamaatay weji gabax, balse waxa uu isla maanta booqashada deegaamadaa ka dib dib ugu laaban doonaa dhinaca Magaalada Ceergaabo si uu qudbad ugu jeediyo taageerayaasha xisbiga  maalinta Beri ah oo ku beegan maalinta xisbiga UDUB ee Ololaha.

Socdaalka deegaamada gobolka sanaag ee Gudoomiyaha UDUB ayaa warar u dhuun daloolaa u xaqiijiyeen shebekada wararka ee Araweelo news network  inuu la xidhiidho sidii uu taageero ugu raadin lahaa inay shacbiga gobolka Sanaag dib u doortaan mar kale. Waxaana la filayaa inuu caawa halkaa u hoydo, isla markaana uu beri gelinka hore dib usoo raaco diyaaradii uu hargeysa ka raacay.

 

Waxaana socdaalkiisa waqtigan oo guuldarooyin waaweyn iyo weji gabax ay kala kulmeen xisbigiisa UDUB bulshada inteeda badan uu  ka danbeeyay ka dib markii kooxo uu waxyaabaha ay sheegaan aad u rumuysto oo ah kuwa sida khaaska ah  ugu sheega faalka iyo khuraafaadka kula taliyeen inuu sameeyo dhaqdhaqaaq Olole iyo kulamo uu kasoo bilaabo dhinaca cadceed soo baxa dalka, isla markaana uu booqdo qabuuraha qaar ka mid ah Shuyuukhda ku aasan gobolka Sanaag, gaar ahaan Qudbiyada Sheekh Isxaaq oo ah halka ay kasoo tafiirmeen bulshada ugu badan ee Somaliland iyo sidoo kale sheekh Samaroon oo ah ka uu kasoo jeedo isagu.

Dhinaca kale waxa jira xogo iyo tibaaxo safarka xiligan ee gudoomiyaha UDUB ku tilmaamaya inuu yahay qorshayaal iyo hawlgalo kale, balse uu ku qarinayo Ololaha kaanbeynka, iyadoo ay dadka qaar kulamada ku tilmaameen kuwo aan qorshohooda si dhab ah loo ogayn oo si gaara loo asteeyay, isla markaana aanay xubnaha la socda intooda badani  ka warqabin ujeedada safarkaa. Sidoo kale waxa jira warar aan xaqiiqdooda laga war hayn oo sheegaya inay kulamadaa qaarkood yihiin kuwo dhexmaraya Madaxweyne Rayaale oo ah musharaxa  UDUB iyo Gudoomiyaha Ucud ee u sharaxan xisbigaa Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo ay ku qorshaynayaan in aanay labadoodaba dani ugu jirin inuu xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye  oo waqtigan Ololaha taageerayaashiisu hafiyeen deegaamada dalka uu ku guulaysto doorashada, iyadoo maalmihii u danbeeyay ay warbaahinta muuqdeen masuuliyiin iyo madax ka tirsanaa xisbiga UDUB oo is casilayay isla markaana isu dhibayay  xisbiga mucaaridka ee Kulmiye, taas oo jaah wareerisay, isla markaana cabsi iyo niyad xumo ku abuurtay  musharixiinta labada xisbi ee kale.  Si kastaba ha ahaatee socdaalka waqtigan ee gudoomiyaha musharaxa UDUB ayaa tafaasiil kala duwan  yeeshay, waxaana dad badani si weyn ula yaaban yihiin taageerada uu ka raadinayo xisbiga UDUB gobolka sanaag in aanay ahayn mid macquula, maadaama gebi ahaanba gobolkii uu kasoo jeeday iyo gebi ahaanba gobolada galbeedka aanu wax taagero ah oo buuran ka haysan, isla markaana maalmihii u danbeeyay ee Ololaha fagaaarayaasha lagu cidleeyay masuuliyiinta Udub oo doonayay inay qudbado u jeediyaan taageerayaashooda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *