Codkaaga Ku Ciil Bax….Q32 

Ahmed Arwo 

 

images/stories/ahmed arwo1.jpg Waa dhacdo taabanaysa inta damiirkoodu nool yahay. Qofka tan ka nixi waaya ee wax ku qaadan waaya

 

 

 

 

 

waa dhagax waliba nooca ugu adag ee dhagax dixiidka la yidhaahdo. Ka aan dareemin caddaalad darada ay wadato xukunkii kelitaliska ahaa nidaamkan laga dhaxlay ee xukunka degdega ah, waa qof ka aradan dadnimada, waa ruux udgoonsada qudhunka sida Timacadde yidhi: 

Dirxigu Qudhunku uma soo uree Waabu Quudsadaye.. Arrintan maanta dhacday waa gabadh xaq darro ku xidhnayd oo iyadoo katiinadi ku xidhantay isbitaalka la keenay, ayna naftu ka baxaday iyadoo weli katiinadii ku xidhantay. Maxakamadi mey xidhin, ee waxa xabsiga dhigay Guddigii Nabadda ee ka hadhay nidaamkii ina Bare iyo NSStii..  

 

Maanta aad kartaa inaad arrintan soo afjarto. KU CIIL BAX CODKAAGA, oo sii KULMIYE isagaa bil gudaheed ku tirtiri Sharciga dulmiga iyo duudsiga loo samaystay. Fadlan fidi warkan oo gaadhsii cid kasta oo danaysa cadaaladda, rubta kaaramada muwaadinka iyo in la helo dal dastuurku hago, hoggaan xakme iyo seeto leh, dal loo siman yahay kheyraadkiisa.  Diid daalinka doonaaya inuu codkaaga iibsado, ha iibin, ha tuurin kaadhka, isagaad awood ku leeday. Ha noqon mar kale doqonkii ushiisa lagu garaacay. U codee kulmiye, oo gaadha himmiladaada.

 

Cabdillaahi Suldaan, TIMACADDE, AHUN..Waxuu yidhi waxa ka mid ah:

 

“qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye

Dirxigu Qudhunku uma soo uree Waabu Quudsadaye”

 

Alle ha u naxariistee waxa iyadoo katiinadi ku xidhantay naftu ka baxday gabadh xaq-darro ku xidhnayd  Shaadiya Cabdi Ducaale .. Faalo uma baahan ee sii akhri, waxna ku qaado. Ogowna inaad maanta haysato fursad aan shan sano oo dambe ku soo maraeen. KU CIIL BAX CODKAAGA, oo ku tuur xukun xumada, eri kuwa aan arxan iyo damqasho midna u hayn ummadda ay mushaharka ka qaataan, kuwa ku kibra dadweynaha bixiya lacagta ay ku dalxiisaan, lacagta ay u isticmaalaan inay kuwii bixiyey ku dulaystaan. Diid oo tus awoodda aad maanta u leedahay inaad qoroto hoggaan kuu shaqeeya, kaa naxa, kugu dhaqa cadaalad iyo sinnaan. Sii akhri warkan naxdinta leh ee Jamhuuriya qortay.

Haweenay Guddida Nabadgelyadu Sifo Sharci-darro ah u Xukuntay oo Iyadoo Katiinadaysan Geeriyootay
“Marxuumaddaas Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka naloogu keenay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar u samayn karaynayna waanu u samaynay, laakiin….”

Maamulaha Cusbitaalka Gabiley
“Markii ay xannuunsatay ayaa iyada oo aad u ildaran la dhigay dhakhtarka, waxaana sariirta loogu xidhay katiinad, sidaa eyeyna ku geeriyootay”
Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed oo dhashay marxuummada geeriyootay

Gabiley (ANN/Jam) : Haweenay magaceeda la odhan jiray Shaadiya Cabdi Ducaale oo Guddiga Nabadgelyada Gobolka Maroodi :jeex ku rideen xukun sharci :darro ah, ayaa horraantii toddobaadkan maydkeedii la keenay gurigooda oo ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii ay iyada oo katiinadaysan xannuunka macaanka ugu geeriyootay magaalada Gabiley oo ay ku xidhnayd.

Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed oo dhashay marxuummada geeriyootay, ayaa shaaca ka qaaday in guddida nabadgelyada Gobolka Hargeysa sifo sharci-darro ah u xidheen inanteedii curad, isla markaana afartan maalmood kadib loogu yeedhay meydkeedii oo katiinaysan.
Aamina Cabdillaahi Maxamed oo ah hooyada gabadha geeriyootay, ayaa Sabtidii toddobaadkan u xaqiijisay weriye ka tirsan shabakadda wararka internetka ee Araweelonews oo ku booqday gurigeeda oo ku yaal xaafadda Cakaara ee ku taal koonfurta galbeed ee caasimadda Hargeysa in guddida nabadgelyo sifo sharci-darro ah u xidheen inanteeda oo qabta xannuuunada macaanka iyo dhiig karta, kadibna ku geeriyootay magaalada Gabiley iyada oo ku jirta gacanta guddidii xukunta sharci-darrada ah ku riday.

“Marxuumadda waxa la xidhay dhammaadkii bishii hore ee April 2010. Wax dembi ah oo ay gashay muu jirin, waxa laga qaaday gurigooda iyadoo xannuunsanaysa oo falleebo ku xidhan tahay. Markii ay dhawr maalmood ku jirtay saldhigga xaafadda Iftin ee magaalada Hargeysa ayaa habeen madow la geeyay saldhigga dhexe dushiisa oo ay fadhiistaan guddida Nabadgelyadu, waxayna ku xukumeen halkaa iyadoon maxkamad la geyn oo aan wax dembi ah oo lagu soo oogay jirin. Waxa eed looga dhigay beri hore ayey mukhaadaraad iibin jirtay ee ma jirin wax dembi ah oo hadda lagu hayey,” ayey tidhi hooyo Aamina oo murugo badani wejigeeda ka muuqatay.
Waxa ay intaa ku dartay hooyo Aamina Cabdillaahi in markaa wixii ka dambeeyay inanteeda dhimatay loo gudbiyay xabsiga Gebilay, laakiin markay muddo toddobaad ah ku jirtay uu taliyaha xabsigu u sheegay ciddii soo xidhay in laga qaado, maadaama ay xanuunsanay oo cusbitaal la geeyo. “Haseyeeshee, markii dambe dhakhtarka la dhigay iyadoo aad u ildaran oo katiinad loogu xidhay sariirta, sidaana ku dhimatay, kadibna maydkeedii oo katiinadaysan looogu yeedhay toddobaadkii hore.”

Marxuumaddaas oo magaceeda la odhan jiray Shaadiya Cabdi Ducaale, da’deeduna ahayd 40 jir, ayey hooyadeed sheegtay inay markii la xidhay ku maqnayd dalka Ethiopia, dalkana ku soo laabatay maalintii ay geeriyootay, balse markasta xaaladeeda la socotay.
Mar la weydiiyay in marxuumada dhimatay keligeed la xidhay iyo inay jireen dad kale oo lala xidhay anma haddiiba ay ogtahay waxa lagu eedeeyay, waxay ku jawaabtay; “Anigu waxaan ku maqnaa Addis Ababa. Waxay ahayd hablihii mujaahidiinta la socday xilligii halganka, isla markaana waxay ka mid ahayd habilihii u horreeyey ee ciidanka bilayska la qoro. Wax ubad ah waxay haysatay wiil yar oo agoon ah, muddooyinkan dambena waxay ahayd qof xannuunsanaya oo macaan iyo dhiigkar leh, waxayna u dhimatay dayac markii gudidda nabadgelyadu intay xaqdarro ku xidheen, haddana loo diiday in dhakhtar la geeyo. Dadka lala xidhay waxay ahaayeen shan qof oo midkood tahay gabadh kale oo guriga joogtay oo aan habaryar u ahay iyo saddex nin oo guri kale laga soo qabtay, welina dadkaasi kale way xidhan yihiin.”

Maamulaha Cusbataalka Gebiley Dr. Axmed Ismaaciil Nuur oo aannu khadka telefoonka kula xidhiinay si wax looga weydiiyo xaaladda marxuumadda markii cusbitaalka loogu geeyey, ayaa u xaqiijiyey shabakadda Araweelonews in gabadhaasi ku geeriyootay cusbataalka, wuxuuna isagoo arrintaas ka hadlayey yidhi; “Marxuumaddaas Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka naloogu keenay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar u samayn karaynayna waanu u samaynay, laakiin xaaladeedu way ka sii dartay, waxayna u geeriyootay xannuunka macaanka, waxana loogu yeedhay eheladeedii oo qaatay maydka marxuumaddaas.”

Dhinaca kale, qoraal ku taariikhaysan 26 April 2010 ayey dadkaa la xidh-xidhay u qorteen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isla markaana ogaysiin ku siiyeen Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, iyagoo kaga codsaday in la sii daayo oo xorriyadoodii loo soo celyo, maadaama aanay wax dembi ah guddida nabadgelyadu ku hayn. Balse may suurtogelin in dadkaas loo tixgeliyo codsiga ay kaga cabanayeen caddaalad-darrada lagu xukumay iyo sharci-darrada guddida nabadgelyadu ku xukuntay.
Magacyada shantaa qof oo ay ku jirto marxuumadda dhimatay waxay kala yihiin sidan:

Cabdi Cumar Qaalib
Shaadiya Cabdi Ducaale (Marxuumadda geeriyootay)
Ismahaan Siciid Cabdi
Mustafe Jaamac Cawaale
Cabdi Maxamed CaliIyadoo afarta qof ee keli weli ku xidhan yihiin xabsiga degmada Gabiley.

Jamhuuriya Online

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,

Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah

 

Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:

 

https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB 

 

Ahmed Arwo

 

samotalis@gmail.com

 

JOIN SAMOTALIS Group

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf

 

JOIN SAMOTALIS Page AT:

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589

http://samotalis.blogspot.com/

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *