Maxaa  Ku Cusub Hargeysa?

Maxaa  ku cusub Hargeysa! waxa soo badanayay sanadii u danbeeyay goobaha iyo meheradaha ganacsiga ee haweenku siga gaarka ah u maamulaan, waxa loo yaqaano kofeerada dumarka ee lagu qurxiyo Haweenka, sida dhisida Aroosyada, xafladaha iyo munaasibadaha kale ee caweysyada oo lagu dhiso, ama lagu qurxiyo  haweenka doonaya inay habeenkaa ka qayb galaan xafladahaa.

Hase yeeshee  Maqribi Beauty Salon oo ku yaala  magaalada Hargeysa, wuxuu ka        duwan yahay goobahaa hore u jiray, waxaana yaala qalab casri ah oo laga soo waariday debeda. Sida  qaybta qolka  Steam Room, kaasoo  uu yaal qalab lagu magcaabo  Maroco Bath oo marka uu galo qofku lagu furayo Uumi, taas oo suurta gelinaysa  inuu qalabkaasi si fiican u nadiifiyo jidhka qofka, isagoo qofku dareemaya debecsanaan iyo fudayd aanu hore u arag.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maqribi marka laga yimaado qalabkaa iyo adeegaa waxa lagu sameeyaa dhisida Aroosyada, waxyaabaha aan looga maarmin Aroosyada, ama caruusadaha. Sida noocyada kala duwan ee dharka inta badan loo xidho habeenkaa, xafladaha iyo haweenka doonaya inay ka qayb galaan habeenkaa munaasibad. Sidoo kale qurxinta dumarka iyo dawaynta dumurka ay waxyeelada gaadhsiiyeen maqaarka jidhkooda dawooyinka ay hore u isticmaaleen, ama kuwa timihu ka daadanayaan oo loogu diyaariyay  waxyaabo usoo celinaya timaha oo xanaanaynaya, ama tayaynaya timahooda.

Hadaba si aad u ogaato Maqribi Beauty Salon oo ku yaala duleedka saldhiga koodbuur ee magaalada Hargeysa. Maqribi waxa kuugu diyaara shaqaale xirfad iyo waayo aragnimo u leh adeegada qurxinta haweenka, waxa uu ku yaalaa dhinaca galbeed ee saldhiga Koodbuur, dhawr talaabo u soco wadada laamiga ee dhaadhaca. Kadibna eeg dhinaca Koonfur, waxaad arkaysaa Boodhka Maqribi Beauty Salon.oo kaa qabanaya dhinaca jihada  Koonfureed ee wadada Laamiga ah.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *