Hargeysa(ANN)Garbyada uu xisbiga mucaardika ee UCID u kala jabay ayaa maanta meelo kala duwan kula hadlay saxaafada, iyadoo gebi ahaanba xarunta xisbigaa ee magaalada Hargeysa xukuumadda Somaliland geysay ciidamo, kuwaas oo labada dhinacba u diiiday inay galaan. Guddoomiyaha Golaha
Wakiilada Somaliland, isla markaana  ah Ku xigeenka Xoghayaha guud ee xisbiga UCID  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro) ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo uu u soo jeediyay Gudoomiyihii hore ee xisbigaa Eng. Faysal Cali Waraabe oo sharci darro ku tilmaamay sifihii xilka looga qaaday.
Garabka ay hogaaminayaan Aadan Waqaf oo ah Gudoomiyaha cusub ee xisbiga loo magcaabay iyo Mr. Cirro ayaa ka hadlay weedhaha gudoomiyihii hore,   “Guddoomiyihii hore waa saaxiibkay oo toban sanadood ayaan la soo halgamayay oo caayi maayo, waxaan leeyahay lacagtii Burco laga bedelay waxa la yidhaahdaa Giimbaar, saaxiibkay Faysal Cali Waraabe-na waxa uu noqday Giimbaar oo waa la bedelay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo maanta ka hadlayay shir balaadhan oo Hoggaanka ku meel gaadhka ah ee xisbiga UCID ay ku qabteen Huteelka Guulleed ee Magaalada Hargeysa.
“Saaxiibkay waxa ka soo hadhay dhawr kalmadood waxaana ka soo hadhay Aniga…Aniga, saaxiibkay wuxuu leeyahay xisbiga waan iskaga tagi lahaaye’e cid aan ku aamino ayaan la’ahay dadka ila jooga oo dhami waa xashiish. Xataa Guddoomiyihii hore waxa uu leeyahay qarankan Somaliland la yidhaahdo cid aan ku aamino oo ka naxaysa oo joogtaaba ma jirto ayuu leeyahay waxaan u malaynayaa inay taasi qaranka meel ka dhac ku tahay.”
Mr C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) waxa uu ka hadlay kulan dhexmaray labadooda dhinac la hor intii aanay soo saarin qoraalka iyo wixii uu ugu jawaabay Faysal Cali Waraabe, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi C/raxmaan Cirro “Saaxiibkay waxa uu shalay cambaareeyay Guddidii fulinta ee shirtay waxaanu u tagnay Guddoomiyaha anagoo ixtiraamayna waxaanu geynay qoraal aanu kaga codsanayno inuu qabto shirkii billaha ahaa ee Guddida fulinta ee xeerka ku qornaa. Waxa uu hadalkiisii ku bilaabay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ma aqoonsani, Guddoomiye Ku Xigeenada 2-aad iyo sadexaadna ma aqoonsani.”
“Maanta wuu hadlay ayaa la yidhi Faysal Cali oo wuxuu yidhi xisbiga anigaa iska leh xisbiguna waa xisbi reer Hargeysa ah. Waar miyaanu xisbigu ahayn xisbi qaran? Soo kuwan goboladii oo dhammi fadhiya. Waxaanu leenahay xisbiga UCID waa xisbi qaran.”
“Shirkii dhacay shalayto shir beeleed muu ahayn, wuxuu ahaa shir \guddi fulineed oo xisbimid qof soo abaabulay muu ahayn ee waa shirkii bilaha ahaa ee Guddida fulinta.Guddoomiyihii hore waxa uu shirkayagii ku sifeeyay inaanu nahay SSC. SSC waa reer Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu, wxuuna  ku dooday in go’aamadii ay shalay soo saareen ay yihiin Go’aamo sharci ah.
“Afartii nin ee xalay ka hadlayay TV-ga waxaanu leenahay xisbiga ayaad ka tirsan tihiin, cid idinka saartay ma jirtee idinku ha falaagoobina ee xisbigii wuu idin sugayaa,”ayuu yidhi C/raxmaan Cirro.
Sidoo kale waxa kulankaa  ka hadlay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID Mr. Aadan Mirre (Waqaf) oo si adag u difaacay Go’aankii Guddida fulinta soo saareen shalay.
“Go’aankii shalay ka soo baxay Guddida fulinta ee xisbiga UCID waa go’aan taariikhi ah oo ka turjumaya dareenka taageereyaasha waana go’aan badbaado u ahaa xisbiga.go’aankii xisbigu waxa kale oo uu hiil u ahaa dimuqraadiyada xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Md. Aadan Waqaf.

Dhinaca kale garbka uu hogaaminayo Guddoomiyaha xilka laga qaaday  ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta kala hadlay taageereyaal haween iyo dhalinyaro u badanaa barxadda hore ee xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa. Waxaanu mar kale gaashaanka ku dhuftay go’aankii xilka ay kaga qaadeen Guddida fulinta ee xisbigaasi.
“Rag saaxiibaday ah oo aan wada abaal ku lahaa ayaa dagaal gondahayga ka bilaabay, waxaan aad uga xumahay in ragga arrintan wadaa ay yihiin dhammaantood raggii xisbigan magaca ku yeeshay. Waa raggii xisbiga darajada ku yeeshay waxa ugu horeeya ninkii u horeeyay ee aan ka sharaxay magaalada Hargeysa ee aan ka dhigay Maayar Ku xigeenka Hargeysa ee aan lahaa magaalada ha qurxiyo oo xisbigana wax ha u taro ayaa ugu horeeya dagaalka maanta waana nasiib darro,”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa ku xiga C/Raxmaan Cirro saaxiibkay oo aad ogtihiin dagaalka aan u galay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan doonayay inuu dalkana hagaajiyo xisbigana wax u taro. Waxa kale oo kamid ah saaxiibkay Waqaf oo aad ogtihiin sidii sharafta looga qaaday markii Daahir Rayaale ka eryay wasiirnimadii Gaashaan-dhiga inta aan Alle ha u naxariistee Axmed Cabdi Siciid oo xisbiga ila aasaasay aan ku idhi is casil ayaan ka dhigay Waqaf Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday in xubnaha gudida fulinta ee shalay go’aanka soo saaray ay yihiin raggii sababay guuldaradii xisbigaasi kala kulmay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay 26-kii Bishii June ee 2010-kii.
“Aniga waxa i doortay Shirweyne ee Guddi fulineed ima doorato xilna igama qaadi karto,maanta waxaan jeclaa inaan xisbiga ku wareejiyo qof aan ku nasto oo xisbiga guul gaadhsiiya illaa hadda iima muuqato ragii xisbiga guusha gaadhsiin lahaa, guusha ay sheegayaan aniga ayay igu taageeri lahaayeen midna cod muu keenin nimanka leh xisbigaanu la wareegaynaa.markaanu shirweynaha qabano cidii aanu u aragno inay daacad tahay oo ay xisbiga soo saarayso ayaanu taageeraynaa. Walaalayaal xisbiga baa’biin mayno Anigaa jecel inaanu C/raxmaan Cirro iyo Waqaf u dhiibno xisbiga laakiin midna ma soo saarayo xisbiga.haddii ay soo saarayaan may aniga igu caawiyaan mise way i hagranayeen?,”ayuu yudhi, Faysal Cali Waraabe sheegay  inuu maalinta bari qaban doono shirkii Golaha dhexe oo ka furmi doona magaalada Hargeysa

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *