Berbera(ANN) Gaadhi  nooca loo yaqaan  Landcruserka ayaa galabta daad ku qaaday Dooxa Lafaruug ee u dhexeeya wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

 

Gaadhigaa oo uu lahaa Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo usii jeeday dhinaca Magaalada Burco, waxa saarnaa  Xildhibaan  Aadan Shire Faarax (Aadan Sanweyne) oo ka mid ahaa Xubnaha ugu Magaca dheer  Mudaneyaasha Golaha Guurtida.

Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah Eehelada Xildhibaanka oo gurmad u tegey halkaa markii ay maqleen warkaa naxdinta leh, ayaa xaqiijiyay in Afartii qof ee kale ee la socday gaadhiga oo lab aka mid ah  uu ku jiro dareewalkii ka samata baxeen markii shilku dhacay, balse ay halkaa ku geeriyootay Haweenay ka mid ahayd shanta qof, halka Oday Dayuur oo ka mid ahaa dadka gaadhiga saarnaa isagoo dhaawac ah la helay.

Hase yeeshee sida ay dadka ku sugan deegaanka Dooxa Lafa-ruug eek u jira baadidoonku sheegayaan waxa raq iyo Ruux aan weli lahay Xildhibaan Aadan Shire Faarax( Aadan Sanweyne), balse waxa habeen hore xili danbe laga soo helay Maydka Marxuumka Dooxa daadku ku qaaday, waxaana isla shalay aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargeysa, iyadoo aaska marxuumka ay ka qaybgaleen madaxweynaha Somaliland, Shirgudoonka Golaaysha Baarlamaanka iyo dadweyne tiro badan oo qaarkood ka yimaadeen magaalooyinka dalka.

Dhibaatada ka dhalata gaadiidka iyo dadka mara wadooyinka isku xidha Hargeysa iyo Berbera ayaa sanad walba soo noqota iyadoo sababta dhimasho iyo khasaare hanti gaadiid, taas oo aan waxba laga qaban, balse la xusuusto oo keliya xiliyada roobabku da’aan oo dooxyada ku yaal wadadu kala xidhaan gaadiidka, isla markaana geystaan khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *