Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in wasiirka arrimaha debadda Somaliland waxa uu qabo ay  la qabaan Madaxweynaha iyo xukuumadiisu. Sidaa awgeed uu wasiirka Arrimaha debedda Somaliland yahay

 

geesi iibinaya qadiyada Somaliland, isagoo daba socda dhaleecayn dhinaca mucaaridka kaga timi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo lagu canabaareeyay inay ka qayb galaan kulanka Arbacadii ka dhacay  Nairobi ee Golaha amaanka.
Dr. Gaboose wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa, isagoo si adag u difaacay kulanka wefdiga Somaliland ee uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha debedda oo weli  ku sugan Kenya la yesheen   Golaha Ammaanka iyo nabadgelyada  ee Qaramada midoobay, isagoo sheegay inay  kulanku  ahaa go’aan xukuumadeed.
Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Shacabka reer Somaliland ayaa u dhiibtay madaxweynaha Somaliland inuu dalka ku hogaamiyo khibradiisa iyo waayo aragnimadiisa, waxaanan leeyahay shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dunidu waa kuwo Somaliland u hirgelinaya in ay danaheedda ka dhaadhiciso, xukuumadda hamigeedu waa in ay dhalinyarada jaamacadaha ka soo qalin jabinaya loo helo shaqooyin, anaga oo taas aaminsan ayaa waxa ay xukuumadu u taagan tahay in aanay marnaba ka qayb geli doonin shir lagu dhexdhexaadinayo
Somalia, taas ayay xukuumaddu mar walba cadaynaysaa.”
Wasiirka Daakhiligu wuxuu ku dooday in shirarka noocan oo kale ay xukuumaddii Rayaale tagi jirtay,  hase yeeshee ay qarin jirtay,  isagoo yidhi,  “Shirarkan caalamiga ah xukuumadii naga horeysayba way tagi jirtay, laakiin way qarin jirtay, anagu ma hayno sabab aanu ku qarinaa, waxa aanu ku dedaalaynaa in aanu dhagax kasta rogno isla markaana dalkan iyo dadkani ictiraaf caalami ah helo, qadiyada Somaliland noqon mayso mid gidaarada dalkeena oo keli ah lagaga hadlo, laakiin waa in qurbo joogu uu raadiyaa, xukuumaddu raadisaa cid kasta oo danaynaysa Somaliland waa inay ka baaddi doontaa, shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dunida Somaliland way ka qayb galaysaa, waayo waxa lagu qaybsanayaa maaliyado.”
Dr. Gaboose waxa uu Wasiirka arrimaha dibada ku tilmaamay geesi iibgeynaya qadiyada Somaliland waxaanu yidhi “Wasiirka arrimaha dibada waxa uu qabo xukuumada oo dhami way la qabtaa madaxweynahaa la qaba,wasiirkaasi geesi iibinaya qaranimada Somaliland, laakiin waxa ay ahayd in lagu canaanto maxaad meelo badan u tagi wayday, maxaad qaranimada Somaliland beeshacaalamka uga iibin wayday.”
Wasiirka Daakhiligu waxa kale oo uu sheegay in Magaalada Hargeysa ay mustaqbalka dhow la mid noqon doonto caasimada Kenya ee Nairobi, waxaanu xusay Caasimada Somaliland laga furay xafiisyadii waaweynaa ee qaramada midoobay ee ka furnaan jiray Kenya, isagoo yidhi, “Waxaan sheegayaa in Hargeysa ay la mid noqon doonto magaaladda Nairobi, oo xafiisyadii qaramada midoobay uga furnaa magaaladda Nairobi Hargeysana waa laga furay, hadii wakhtigii hore waraaqda aan u diri jiray Nairobi, maanta Hargeysa ayaa laga helayaa,mida kale hadii aynaan shirarka caalamku ay wax ku qaybsanayaan aynaan ka qayb gelin waynu ku qadaynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduha Somaliland Dr. Gaboose.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *