Maalmihii kaanbaynka xisbiga oo ay xaraarada isbedel doonku maraysay meel aad u saraysa gudo iyo debedba waxa muuqaalkooda mar keliya lagu war helay koox si fiican saaxada siyaasada xisbiga Kulmiye looga arkayay koox  caan ku noqotay munaasibado weji ku macaash ahaa

laakiin loo arkayay inay lagama maarmaan u yihiin kaanbaynkii waqtigaa socday, kuwaas oo kharashaad badani kaga bixi jiray xisbiga. Kooxdaa oo magacoodu maalmahaa soo ifbaxay waxa loo bixiyay “Macaan Jecel”, waxayna   dad badani rumaysan yihiin inay macaash baddan iyo aduun ka heleen dhaqaalihii faraha badanaa ee xisbiga kaga baxay kaanbaynka oo aan ilaa hada dib loo xisaabin wax xisaab celin ahna laga samayn.
Hase yeeshee waxay dad baddan  oo doonayay  guusha xisbiga iyo isbedelku  indhaha ka lalinayeen kooxdaa “Macaan jecel’. Sidoo kale saxaafada qaarkeed iyo suxufiyiinta qalinka wax ku tilmaama ayaa iyaguna indhaha ka lalinayay kooxdaa, kuwaas oo u arkayay in aan waqtigan loo baahnayn in farta lagu fiiqo, si aanay uga  leexin  ujeedooyinka iyo hadafka guud ee la doonayay in la gaadho oo ahayd in cod lagu bedelo kooxdii maamulka Rayaale ee dalka iyo dadkaba gaadhsiiyay meel halis ah iyo raja xumadii taagnayd xiligaa.
Laakiin waxa   la filayay xiliga guusha ka dib laba arrimood oo ahaa kuwo  laga  filayay Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa. Labadaa arrimood waxay ahaayeen  in guusha doorasha ka dib kooxdaa caanka noqotay lagala xisaabtami doono dhaqaalihii malaayiinka dollar ahaa ee xiligii Ololaha doorashada kaanbaynka oo la rumaysan yahay inay kiishash ku shubteen kooxdaa ay ka sheekaynayaa.
Sidoo kale waxa la filayay in aanay cid ku abtirsata kooxdaasi  ka mid noqonayn xukuumadda Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed  Maxamuud Siilaanyo soo dhisayo guusha ka dib, isla markaana aanay  cid ka tirsan kooxdaa macaan jecel kasoo jeesanayn Madaxtooyada, maadaama qorshaha Madaxweyne  Siilanyo  xudun u hayd  inuu sameeyo nidaam dawli ah  oo ka fayaw musuq-maasuq iyo wax kasta oo maamulkii hore lagaga cabanayay ama lagu caayay uu ka fogaado. Lasoco qaybo kale oo lagaga hadlayo kooxdaa iyo magacyada hogaamiyihooda.
By, Arraale M. Jama 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *