Hargeysa(ANN)Golaha Deegaanka ee Magaalada Gabilay, ayaa ansixiyay dalab xeer Ilaalinta guud ee qaranku kaga dalbatay  inay xasaanadda ka qaadaan Maayarka Gebilay, isla markaana  ahaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Gabilay Aadan Muxumed Badde, oo ku eedaysan

inuu lunsaday lacag dhan 253 milyan oo shilin Sl ah.
Fadhi aan caadi ahayn oo maanta golaha Deegaanka ee Gabilay ku yeesheen xarunta Dawlada Hoose waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki), Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale, Badhasaab Ku Xigeenka gobolka Gabilay Cali Cabdilaahi (Cali Case iyo saraakiil kale.
Xeer Ilaaliyaha guud Xasan Axmed Ducaale, oo furitaankii fadhigan ka hadlay ayaa sheegay in Maayarka degmada Gabilay lagu soo eedeeyay ku tagri fal hanti dawladeed oo dhan 253 milyan oo shilin oo ay ku weheliyaan laba qof oo kale oo baxsaday, halka isagana si gaar ah loogu eedeynayo inuu lunsaday lacag dhan 60 milyan oo shilinka Somaliland ah.
Xeer Ilaaliyuhu wuxuu Mudaneyaasha Golaha deegaanka u soo jeediyay inay xasaanada si ku meel gaadh ah uga qaadaan Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Badde, si loo horgeeyo sharciga, waxaanu tilmaamay in eedeymahan ay u hayaan 12 qof oo markhaati ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay nidaamka dawlad wanaaga ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku doonayso inay ku xakamayso musuqmaasuqa, waxaanu Mudaneyaasha u soo jeediyay inay si ku meel gaadh ah ugu codeeyaan xasaanad ka qaadista Guddoomiyahooda si ay u fududaato in sharciga la horkeeno.
Fadhigan oo ay gudoominaysay Maayar Ku Xigeenka Magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh, waxa madasha ka soo xaadiray 18 Xildhibaan oo ka mid ah 21-ka Mudane ee Golaha deegaanka degmadaasi ka kooban yahay, waxase aan isaga inuu codeeyo loo ogolayn Maayarka eedaysanaha ah oo fadhiga joogay.
8 Mudane ayaa ogolaaday in xasaanada laga qaado maayarka halka 8 Xildhibaan oo kalena ay gaashaanka ku dhufteen dalabka xeer ilaalinta, waxaana markii labada dhinac ay isleekaadeen codkeedii ku kala saartay oo ogolaatay in la xasaanada laga qaado Maayar Ku xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo gudoominaysay fadhigan, waxaana sidaasi ku dhaqan galay dalabkii xeer ilaalintu ku doonaysay inay xasaanada laga qaado masuulkan oo ah sarkaalkii ugu sareeyay ee tan iyo markii xukuumada cusubi xilka qabatay lagu soo eedeeyo musuqmaasuq.
Maayarka Gabilay Aadan Muxumed Badde oo fadhigan ka dib saxaafada la hadlay ayaa ku dooday in isaga gooni loo eryanayo oo laga ururinayo xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo uu ka tirsan yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *