Hargeysa(ANN)Dagaal gacan ka hadal ayaa maanta barqadii dhexmaray Ciidamo Ethiopian Ah Oo doonayay Inay  Bali-dhiig Ka Kaxaystaan Wadaado  wax ka dhiga Machad iyo Mederasad ku yaala halkaa. Kadib markii ay Ciidamada Ethiopian ah oo ka socday Kililka shanaad  soo galeen magaaladaa oo xadka

labada dal kala qaybiyo, basle dadka deegaanka ayaa isku daygaa fashiliyay iyagoo dagaal kala hortegey.
Dad ku sugan deegaankaa ayaa sheegay inay laba gaadhi oo ciidamada Ethiopia wateen soo galeen halkaa saaka oo ahayd maalintii labaad ee Ciida Udxa, kuwaas oo isku deyey inay xoog ku kaxaystaan wadaado magaalada degan oo wax ka dhiga Malcaamad quraan  iyo Machad ku yaal deegaanka, balse waxay taasi keentay inuu dagaal dhawr saacadood socday dhexmaro dadka deegaanka iyo ciidankaa, kuwaas oo ku guuldaraystay inay kaxaystaan wadaada ay doonayeen. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Bali-dhiig  Cali Faarax Dgeere oo ku sugnaa maanta magaalada ayaa  wareysi  uu siiyay Idaacada VOA  ku sheegay in isku daygaasi jiray oo ay Ciidamada Ethiopia oo ah kuwa kililka shanaad yimaadeen oo ay weliba soo galeen dhinaca gudaha xadka Somaliland, wuxuuna sheegay inaanu wax laga kaxaystay halkaa aanu la socon, isla markaana ay dhacdo sidan oo kale ah oo ay bishii Oct ee sanadkan ka kaxaysteen nin wadaad ah halkaa, balse ay soo daayeen markii ay dawladda Somaliland ka wada hadleen.
Ciidamada Ethiopia ee Kililka shanaad ayaa dhowaan 57 qof oo ka tirsan dadka deegaanka Bali-gubadle ka kaxaystay deegaankaa, kuwaas oo dagaal dhexmaray dadka deegaanka Qabribayax, balse waxa 45 ka mid ah dadkaa ay Maxkamad ku taala Jigjiga ku xukuntay xukuno kala duwan, waxayna dhacdooyinka mudooyinkii u danbeeyay Ciidamada Ethiopia ee Liyuu Boolis lagu magcaabo oo ka hawlgala xadka Somaliland iyo Ethiopia samaynayeen dhaqdhaqaaqyo iyo talaabooyin abuuri kara khilaaf siyaasadeed iyo nabadgelyodaro ka bilaabanta deegaanka oo saamayn ku yeelata xidhiidhka iyo iskaashiga dawladda Somaliland iyo Ethiopia, isla markaana carqaladaysa isu socodka gaadiidka, ganacsiga iyo dadka labada dal.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *