Djibouti(ANN)Raysal Wasaaraha Somalia Mr. Farmaajo ayaa ka hor intii aanu dhamaysan socdaalkiisa Djibouti ee aanu u gudbin Magaaladda Adis Ababa ee Xaruunta Dalka Ethiopia waxa uu kulan kooban kula yeeshay Jabuuti Madaxweynaha Maamul Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole
oo ku sugnaa halkaa.
Kulankaa dhexmaray Raysal Wasaare Maxamed farmaajo iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo ahaa mid aan lasii qorsheyn ayaa sida ay wararku sheegayaan ka dhacay hotelka kampeski ee Magaaladda Jabuuti.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn ujeedada kulanka, balse xoggo u dhuun daloola kulanka labada masuul ayaa sheegay inuu ahaa mid salaam iyo bariido ah. Laakiin aany ka madhnayn inay arrimaha siyaasada wax iska weydiiyaan, iyagoo ka wada hadlay xidhiidhka Dowladda KMG iyo Maamul Goboleedka Puntland.
Kulanka labada Masuul oo sida ay wararku sheegayaan qaatay wax ka yar saacad ayaanay jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse sida ay sheegayaan ila wareedyo u dhuun daloola kulanka ayaa la sheegay inuu Mr. Faroole u sheegay Raysal wasaaraha Somalia iyo wefdigiisa inuu weli ku adkaysano ka inuu cawda u jaro xidhiidhka DKMG ee Somalia, balse Raysal Wasaare Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku qanciyay Mr. Faroole inay yeelan doonaan kulan balaadhan oo dalka ah, isagoo sheegay Farmaajo inuu iman doono Magaaladda Garoowe si looga wada hadlo waxyaabaha ay Puntland ka tabanayaan DKMG ah ee uu Raysal wasaaraha ka yahay.
Mr. Faroole ayaa intii uu socday kulanku waxyaabaha oo soo qaaday ee ay ka cabanayaan maamulka Puntland waxa ku jirtay inay xukuumadda Mr. Farmaajo xidhiidhka u jarto kooxda SSC oo sida uu sheegay ah Jabhad qas kawada Deegaanada Puntland, isagoo ku eedeeyay dawlada Somalia inay taageerto kooxdaa, taas oo uu soo dhoweeyay Raysal wasaare Farmaajo.
Kulanka labada Masuul waxa madaxweynaha Puntland Mr. Faroole ku weheliyay booqashada iyo wadahadalka labada dhinac Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Mr. Ilkajiir, iyadoo Raysal Wasaaraha Xukuumada KMG ee Somalia Mr. Farmaajo ay kulankaa ku weheliyeen xubno ka mid ah wefdigiisa oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Maxamed Oomar iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380