Hargeysa(ANN) Masuuliyiinta Xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo UDUB ayaa maanta markii ugu horeysay kulan ku yeeshay xarunta xisbiga UCID ee Magaalada Hargeysa. Kulanka
oo albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana aan saxaafadda loo ogolayn waxa dhinaca xisbiga UDUB ka socday koox uu hogaaminayay ku simaha guddoomiyaha xisbigaa, ahna guddoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirkii hore ee maaliyada Cawil Cali Ducaale, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub iyo badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud, iyadoo dhinaca xisbiga UCID, kulankaa uga qayb galeen guddoomilyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo Afhayeenka xisbiga Xasan Xuseen Codyare.
Ma cada ujeedada kulanka masuuliyiintaa iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, balse markii uu kulankaasi dhamaaday ayay guddoomiyeyaasha labada dhinac si kooban uga hadleen waxyaabihii ay isla soo qaadeen waxaanay tilmaameen in kulankoodan ay kaga arrinsanaayeen waxyaabo iyaga gaar ah u ah.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in kulankoodu ahaa mid ay kaga arrinsanayeen waxa laga yeelayo doorashada golayaasha deegaanada oo ah kuwo muddo dhaaf ah wuxuuna yidhi, “Maanta waxaanu wada shiraynay xisbiga mucaaradka cusub ah ee UDUB, waxaanu ka wada hadlay waxa dalku ku dhisan yahay oo ah doorashooyin, Waxaad ogtihiin in doorashadii Madaxtooyadu si wanaagsan inoogu qabsoontay, waxaad ogtihiin in golaayashii deegaanku ay siddeed sanadood fadhiyeen, markaa waxa aanu ka wada hadalnay sidii aanu mawqif midaysan uga yeelan lahayn waxa laga yeelayo doorashada golayaasha deegaanada oo ah muddo dhaaf” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna ku simaha Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay waxa ay kawada hadleen masuuliyiinta sarsare ee xisbiga UCID ayaa yidhi, “Waxa aanu ka wada hadalnay arrimo badan ta ugu horeysaana waxa ay ahayd diiwaangetlintii codbixiyayaasha ee doorashadii ugu danbaysay taas oo uu madmadaw badani soo dhex galay”
Kulankaa oo u muuqday mid qorshihiisu ahaa sidii ay labada xisbi ee mucaaridku isu kaashan lahaayeen ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisu ah ee ay isku soo horfadhiistaan dhinacyada xisbiyada mucaaradka ahi mudooyinkii u danbeeyay, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo xisbiga UDUB ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada 26 Jun 2010, wixii ka danbeeyay u muuqday mid hagaasay, isla markaana ay soo waajahaday kala qaybsanaan iyo inay kooxo u kala jabaan, iyadoo kooxda uu hogaaminayay Madaxweyne xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ee maanta kulanka la yeelatay kooxda UCID ee Faysal Cali Waraabe ka mid tahay garabyada wixii ka hadhay xisbiga UDUB u kala fadhiyaan. Si kastaba ha ahaatee kulanka labada dhinac ayaa u muuqda mid ay ugu gogol xaadhayaan sidii ay u waajihi lahaayeen xisbiga Kulmiye oo isagu ah hada ka talada dalka haya, balse waxa muuqata kala daadsanaanta iyo khilaafka xisbiga UDUB iyo tamardarada xisbiga UCID ee waqtigani in aanay suurta gelinayn awood buuran oo xukuumadda cusub kaga timaada dhinaca kooxaha mucaaridka, ka hor inta aanay labadaa xisbi dib isu habayn, isla markaana xal u helin mushkiladaha iyo duruufaha ku xeeran wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee Jun 26 2010, dalka ka qabsoontay ee lagaga guulaystay.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380