Hargeysa (ANN)- Kooxda xukuumada Rayaale ayaa maalmihii u danbeeyay ku mashquulsanayd sidii ay muwaadiniinta uga urursan lahayd kaadhadhka Aqoonsiga iyo codbixinta, iyagoo  ku hawlan

 

 

 sidii ay uga  iibsan lahaayeen dadka haysta kaadhadhkaa.ka hor inta aan la gaadhin 26 juun oo ah maalinta komishanka doorashooyinku u qoondeeyay inay shacbiga Somaliland ee haysta kaadhadhku u codeeyeen cidii ay u dooraan lahaayeen hogaaminta talada dalka shanta sannadood ee soo socda.

 

 

Talaabada masuuliyiinta ka tirsan kooxda xukuumada Rayaale iyo xisbigeeda UDUB doonayaan inay kaadhadhka kaga iibsadaan muwaadiniinta waxay ka danbaysay. Kadib markii ay ku guuldaraysteen mudadii ay socotay hawsha bedelaada kaadhadhku qorshayaashii ay ku doonayeen inay ku fashiliyaan, isla markaana ay todobaadyadii u danbeeyay tan iyo horaantii bishan ay dalka ka bilaabmeen isu soo baxyada kaanbaynka tartanka Ololaha sadexda xisbi taageerayaashooda kula hadlayeen, taas oo bedka soo dhigtay guuldarooyin iyo weji gabax kaga yimi dhinaca shacbiga Somaliland musharixiinta xisbiga UDUB oo ah Daahir  Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.oo sideedii sannadood ee u danbeeyay xukunka gacanta ku hayay, isla markaana waxba kama jiraan ka dhigay balanqaadyadii xiligii Ololaha doorashada madaxtooyada ee sideed sannadood ka hor ay shacbiga u balan qaadeen.

 Labadii todobaad ee u danbeeyay waxa isa soo tarayay tibaaxaha iyo wararka la xidhiidha inay masuuliyiin ka tirsan kooxda xukuumada Rayaale iyo xisbigeeda UDUB ku mashquulsan yihiin urursiga iyi iibka kaadhadhkaa oo ay bulshada kaga bedelanayaan lacag dollar ah.

Sida ay shebekada araweelonews u xaqiijiyeen dad kala duwan oo xog ogaal u ah arrimahaasi, masuuliyiinta qorshahaa ku hawlan ee magacyadoodu ku dhexwareegayaan bulshada waxa ka mid ah Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor, Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland C/raxmaan Ducaale, Wasiirka arrimaha gudaha somalilan C/llaahi Ismaaciil Ciro, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Idiris, Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, Wasiirka duulista Cali waran cade, Wasiir ku xigeenka qorshaynta Axmed Xaashi iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo adeegsanaya kooxo u badan dhalinyaro iyo haween suuqa ugu jira oo maalinba maalinta ka danbaysa kusoo dhiiranaya inay helaan kaadhadh iib ah.

 , inasta oo sida ay dadka arrimahaa xog ogaalka ahi sheegeen ay kooxdani qaorshayaasha ka waday qaar ka mid ah gobolada dalka bilawgii oo ay doonayeen inay kaadhadhka ka iibsadaan inta badan dhalinyarada iyo haweenka oo ay u arkayeen inay axsaabta mucaaridka u codayn doonaan, taas oo qorshohoodu ahaa inay bartilmaameed ka dhigataan meelaha taageerayaasha mucaaridku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa xisbiga Kulmiye oo ay ka dibna kaadhadhkaa gubaan si ay dadka ay ka urursadaan uga lumiyaan inay codeeyaan doorashada. Balse waxa soo baxaya warar sheegaya inay kooxdan oo markii hore culayska saarayay deegaamada miyiga iyo magaalooyinka ka baxsan Caasimada, marka laga reebo duleedka magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka yar yar sida Berbera oo kale. Laakiin ay maalmihii u danbeeyay ka samaysteen magaalada Hargeysa suuq madaw oo kaadhadhka lagaga iibsanayo dadka, iyadoo aanay jirin qiime rasmiya oo ay ku iibsanayaan, balse ay dadka arimahaa u dhuun daloolaa carabka ku dhifanayaan inata u dhaxaysa $ 50 – 100 (konton ilaa boqol) dollar.

Talaabada qorshaha maalmahan ay kooxda xukuumada Rayaale iyo masuuliyiinta xisbigeeda UDUB ku baadi goobayaan inay kaadhadhka kaga iibsadaan muwaadiniinta haysata ee  ku nool caasimada Hargeysa ayay wararku sheegayaan inuu hormood u yahay Maareeyaha Dekeda Berbera oo isagu hawshaa mar hore ka bilaabay dhinaca magaalada Berbera, halkaas oo uu kooxo dhalinyaro ah ka hawl geliyay sidii ay kaadhadhka u ururin lahaayeen, kuwaas oo sida ay dad xog ogaali u sheegeen shebekada araweelo news gacanta ku dhigay oo ururiyay dhawr kun oo kaadh,  isla markaana doonaya inay maalinta cod bixinta  oo uu isagu  balan qaaday inuu lacag siin doono gudoomiyaha goob kasta oo ay ku qoran yihiin kaadhadhkaasi si loogu shubo sanaaduuqda, taas oo lagu bedelay qorshihii hore ee gubista. Laakiin sida ay sheegayaan dadka arimahaa xog ogaalka u ahi, markii sheekada kaadhadhka Maareeyaha Berbera iibsanayo aad looga dareemay hadal hayntooda magaalada Berbera, waxa digiin ka bixiyay gudida anshaxa ee heer gobol ee doorashooyinka oo masuulkaa u sheegay inuu faraha kala baxo hawsha uu wado ee kaadhadh iibsiga, taas oo keentay inuu Maareeyaha Dekeda  Berbera qorshihiisa iibsashada kaadhadhka usoo wareejiyo  dhinaca magaalada Hargeysa  todobaadkii hore oo maalmahan hadal hayntoodu socotay. iyadoo Maareeyaha dekeda Berbera si badheedh ah hada uga muuqdo fagaarayaasha siyaasada ee kaanbeynka.

Sidoo kale Gudoomiayha Baanka dhexe iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayaa iyaguna si weyn loola xidhiidhinayaa inay suuqa soo geliyeen maalmihii u danbeeyay dad dilaaliin ah oo dhalinyarada weydiinaya kaadhadh iib ah, kuwaas oo xafiisyada xisbiga UDUB iyo goobaha maqaaxiyaha si hoose uga dhex baadhaya dadka haysta kaadhadhka iyo inay iibinayaan. Iyadoo wasiiradda  kale ee arintaa ku jiraa qorshohooda u jiheeyeen deegaamada miyiga ee ay kasoo jeedaan.

Inkasta oo wararka arimaha iibsashada kaadhadhku aanay ahayn mid xiligan  hadal haynteedu bilaabatay oo suuqa soo gashay, isla markaana ay soo noq noqnaysay tan iyo markii komishanka doorashooyinka qaranku bilaabeen bedelaada kaadhadhka cusub. Hadana xubnaha gudida doorashooyinka qaranka iyo gudida anshaxa ayaan weli waxba ka odhan arimahaa oo keeni kara musuq maasuq iyo ku shubasho marka la gaadho maalinta cod bixinta, isla markaana waxay qorshayaasha noocan ah ee masuuliyiinta kooxda xukuumada Rayaale iyo xisbigeeda UDUB wadaan horseedi karaan fashil iyo guuldaro weyn oo soo waajahda doorashada madaxtooyada hadii ay indhaha ka qarsadaan komishanka qaranka iyo gudida anashaxa doorashooyinku, iyadoo aanay ilaa hada muuqan wax digniin ah oo ku wajahan masuuliyiinta kooxda xukuumada Rayaale iyo xisbigeeda UDUB ee qorshahaa wada iyo wacyi gelin ku waajahan dhinaca shacbiga toona, isla markaana ay wax yar todobaad inaga xigaan maalinta loo qoondeeyay inay shacbiga Somaliland u dareeraan cod bixinta doorashada madaxtooyada.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *