Hargeysa (ANN)-Gudida Ilaalinta Anshaxa iyo habsami u socodka doorashada madaxtooyada, ayaa digniin culus u jeediyey maareeyaha Dekadda Berbera Cali Xoor Xoor iyo Qaar ka mid ah badhasaabada gobollada iyo degmooyinka dalka

 

 oo ay sheegeen in ay si badheedha ah fagaarayaasha uga ololaynayaan xisbiga Talada haya ee UDUB, taas oo ay tilmaameen in ay tahay gabood fal xadgudub ku ah xeerka anshaxa doorashooyinka ee ay kala saxeexdeen saddexda xisbiga Qaran.

 

 

 

Sidaana waxay gudidu ku sheegeen  shirjaraa’id oo ay maanta duhurkii ku qabateen  Hotelka  Imperial ee magaalada Hargeysa, waxayna si cad  farta ugu  fiiqeen inay  si sharci daro ah Maareeyaha Dekadda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, Badhasaabada gobollada Awdal iyo Togdheer C/laahi Sheekh Maxamuud iyo Jaamac Cabdilaahi Biin, iyo weliba xoghayayaasha magaalooyinka Bebera iyo Sheekh ay si toosa iyaga oo shaqaalihii dawlada ka mid ah ay ugu ololaynayaan xisbil xaakimka UDUB.

Gudida ayaa  sheegtay  inay talaabadaasi dembi ku tahay xilalka ay hayaan, qawaaniinta dalka iyo xeerka anshaxa, isla markaana saamayn ku yeelan doonto masuuliyiintaa mustaqbalkooda danbe oo ay wax u dhimi doonto, iyagoo yidhi,: “Shaqaalaha dawlada waxa loo qoray in ay u adeegaan bulshada oo dhan si siman, waxa ka reeban in maqaamkooda shaqaalinimo ay si furan ugu ololeeyaan xisbi.

Sidaa darteed  waxa nasiib daro ah in ummadda oo arkaysa  ay musauuliyiintaasi caadaysteen inay Telefishinada iyo warbaahinta, si cad oo badheedh ah uga ololeeyaan xisbiga UDUB, iyagoo ah shaqaalihii u dhexeeyey ummadda oo ay ka mamnuuc ahayd in xisbi qudh ah ay si gaar ah oo joogto ah maalin walba ugu ololeeyaan.” Ayuu ku yidhi qoraal uu halkaa ka akhriyay  guddoomiyaha guddida ilaalinta anshaxa doorashada Mr. Axmed Maxamed Cadaad, isagoo intaa ku daray “ Waxaanu u digaynaa maareeyaha Dekadda Berbera oo xalay oo u dambaysay laga daawanayey Telefishinada,  isagoo u ololaynaya si badheedha, waxa kale oo ka mid ah shaqaalaha sida tooska ah xisbiga xukuumadda ugu ololaynaya Badhasaabada gobollada Awdal iyo Togdheer iyo weliba xoghayayaasha magaalooyinka Sheekh iyo Berbera, kuwaasna waxaanu u sheegaynaa in ay jebiyeen xeerkii anshaxa doorashada ee xisbiyadda, waxaana laga qaadi doonaa talaabo anshax marineed. Waana inay ogaadaan inay tahay talaabooyinka ay qaadeen kuwo  wax u dhimi doona mustaqbalkooda shaqaalanimo.”

Sidoo kale  waxay  guddida ilaalinta anshaxa doorashada madaxtooyadu ku hanjabeen in ay talaabo ka qaadi doonaan agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Muuse oo ay sheegeen in uu iska dhego tiray digniino ay u jeediyeen oo la xidhiidha in Telefishanka qaranku u sinaanado xisbiyadda ku tartamaya doorashada madaxtooyada, kaas oo ay  ku eedeeyeen in uu si badheedh ah (Telefishanka Qaranku) uu ugu kaanbayn gareeyo dhinaca xisbiga talada haya ee UDUB.

Shirka jaraaid ee gudida anshaxa doorashada Madaxtooyadu maanta ku canbaareeyeen masuuliyiintaa ayaa kusoo beegantay iyadoo ay maalmihii u danbeeyay maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor Xoor iyo masuuliyiin kale ku hawlan yihiin inay si badheedha muwaadiniinta uga iibsadaan kaadhadhka cod bixinta, iyadoo todobaad keliyi ka hadhsantahay maalinta loo cayimay doorashada Madaxtooyada ee 26 Juun la filayo in loo dareero cod bixinta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *