-
Published On: Fri, Jun 18th, 2010

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Si Furan Uga Waramay Dhaliilaha Loo Jeediyo, Duruufaha Mushkiladaha Uu Kasoo Dabaashay Ee Golaha Deegaanka Iyo Musuqmaasuqa lagu Eedeeyo

Smiley face
Share This
Tags

“Shantaa Sannadood Waxba Maanu Qaban, Dawlada Hoosena Waxa  La Yidhaahdaa, Waxa  Sameeyay Fircoon”

” Waxay Odhan  Jireen Dhul  Nasii  Haddii Kale waanu Ku Ridaynaa”

  images/stories/eng. xuseen maxamuud jiciir.jpg “Waxa iga horeeyay sagaal Maayar mid keliyina muu kari karayn inuu wado sameeyo,

 

Sidaa waxa yidhi Maayarka Caasimada Hargeysa  Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo  ka jawaabayay  dhaliisha wadooyinka magaalada Hargeysa ee golaha deegaanka, musuqmaasuqa lagu eedeeyo iyo wax qabad la’aanta.  .

sababtoo ah , wadooyinka waxa ku baxa lacag badan, waxaana ugu yar halkii Kmtr oo ay ku baxdo $160, 000 (Boqol iyo Lixdan Kun) oo dollar. Markaa anigu shantii sannadood ee hore waxay igu qaadatay inaan sameeyo qalabka wadooyinka lagu sameeyo oo aan hore u jirin iyo Kooxda Wadooyinka samaysa”.

Maayarku  wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay khamiistii todobaadkan Shebekada wararka ee araweelonews (Araweelon News Network)  oo loo soo gaabiyo (ANN), waraysigaa oo uu kaga waramay dhaliilaha inta badan lagu fiiqo farta iyo waxqabad la’aanta bulshadu ku canaanato golaha deegaanka Hargeysa ee uu gudoomiyaha u yahay . Sidoo kale waxa uu iska difaacay eedaymaha golaha deegaanka lagu eedeeyo inay ku takri faleen dhulkii danta guud  iyo safarada uu maayarku ugu  boxo debeda oo  dad badani ku  tilmaamaan inuu diyaarad uun saaran yahay sidii hogaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat.

Eng,  Xuseen Maxamuud Jiciir, wuxuu  isagoo ka hadlaya mudadii sideeda  sannadood ee ay golaha deegaanka Hargeysi maamulayaaen Caasimada Hargeysa yidhi, “ Shantaa sannadood ee hore marba waxbaan iibinayay, haday tahay Baldowsarta, Laba Rugley, Laba Cagaf oo cusub iyo kuwo aan kiciyay iyo qalab aan ku sameeyay wadanka gudihiisa sida Haanta, ta jayga daadisa  iyo qalab  kale oo badan. Wixii markaa ka danbeeyay markii aan dhimay kharashkii faraha badnaa ee wadooyinka ku bixi jiray ayaan bilaabay wadooyinka magaalada Hargeysa  sannadkii 2007, maantana waxaan marinayaa wadooyinkii laga biqi jiray ee qiimaha ugu hooseeyaa ahaa $160,000 (Boqol iyo Lixadan Kun), oo dollar inaan ku sameeyo $ 50,000- 40,000 (konton kun ilaa Afartan kun) oo dollar.  Markii aan qalabkii oo dhan samaystay, waxa keliya ee nagu qaali garoobay Daamurkii oo Halkii Kmtr ay ku baxayso $ 20,000 (Labaatan Kun oo dollar.”

 

Wuxuuna  sheegay inuu magaalada Hargeysa ka sameeyay labadii sannadood ee u danbeeyay  21 wado oo Laami ah, isagoo yidhi, “Degmo kasta waxaanu u samaynay gudi horumarineed oo aanu sannadkiiba mar la shirno. Waxaanuna weydiinaa inta wade ay doonayaan inay samaystaan, haday yidhaahdaan hal wado ayaanu samaysanaynaa iyo haday ka badan doonayaan lacagta soo ururiya ayaanu nidhaahnaa  oo Daamurka oo keliya  bixiya ayaanu nidhaahnaa. Maantana wadooyinka magaalada Hargeysa labdaa snadood aanu ka samaynay waxay gaadhayaan 21 wado oo Laami ah.”

Mar uu ka jawaabayay Maayar Jiciir Qaabka wadooyinka uu  ku sheegay  iskaashiga dawlada  Hoose  iyo Bulshada sida ay dadku u fahmeen hada, maadaama markii hore dadku dhinacooda  uun ka sugayeen inay wax u qabataan, waxa uu yidhi, “ Runtii taasi waxay keentay inay dadkii na aaminaan, marka ay noo yimaadaan ee noo sheegaan Lacagta ay haystaan iyo wadada ay doonayaan anaguna waanu u bilawnaa. Taas ayaa keentay inay dadkii na aaminaan oo ogaadaaan inay wax qabsan karaan dawlada hoose wax la qaban karto, waanuna fulinaa wixii ay nagu aamineen, waxayna noo badbaadiyeen dhaqaale badan. Markaa waa guul weyn iyo sharaf aanu ku faani karo.”

Sidoo kale isagoo ka jawaabaya doorka  Ha’yadaha ajaanibka ee dalka iyo inay  wax kala qabtaan dhismaha wadooyinka , waxa uu yidhi, “ hay’ayaduhu nagalama qayb qaataan dhismaha wadooyinka, sababtoo ah waxay leeyihiin waa horumar oo waxa ku baxaya lacag badan, waxaana loo baahan yahay heshiis caalami ah. Laakiin waxay nagala qayb qaataan dhismaha Sariibadaha magaalada iyo qashinka ayay naga caawiyaan wax yar oo aan badnayn. Sariibadaha oo kale sagaal sariibadood cusub  ayaanu ka samaynay Xaafadaha dacalada, halkii magaalada gudeheeda oo keliya ay lahayd, tusaale ahaan Maxamed Mooge, Sheekh Nuur, Idaacada, jig jiga yar, Inji iyo  Daami, waxa keliya ee nagu hadhay waa sariibada Jaamac Gunti oo aanu Koodbuur u rarayno iyo mid isha Boorame ah. Markii haore dhul ayaanan haysan laakiin hada waanu u diyaarinay, ujeedadayadu waxay  tahay inaanu  culayska ka yarayno suuqa”.

Maayarka oo la weydiiyay  mudadii golaha deegaanka ee la doortay inay ahayd shan sannadood, isla markaana aanay shantaa sannadood waxba qaban, maadaama  wax qabadka uu sheegayo ee waqtigan wadooyinka iyo sariibadaha ay ku soo beegmeen markii ay dhamaatay mudadii sharciga  ahayd ee la doortay waxa ay qabanayeen mudadaa shanta sannadood ahayd, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya yidhi,  “Shantaa sannadood ee hore waxay ahaayeen dhibaato  iyo mushkilado miidhan, sabatoo ah golaha deegaanka oo aan khibrad lahayn, iyagoo awood jacayl iyo kursi doon marba doonayay inay aniga (Maayarka) I ridaan iyo dad mar walba Maayarnimada u bukay oo doonayay inay Maayar noqdaan  oo kolba weerar igu soo qaadayay. Markaa shantaa sannadood ee hore waxay nagaga dhamaadeen murankaa iyo mushkiladahaa, waana u diyaar garoobaynay oo maaha been. Dawlada hoosena waxa la yidhaahdaa waxa sameeyay Fircoon. Markaa labadaa iyo shantaa sannadood ee hore waxaas ayaa na mashquuliyay oo waxba maanu qaban.”

Sidoo kale waxa la weydiiyay inay kooxahaa uu sheegayaa  waqtigan ka hadheen iyo jiritaanka dhaleecaynta qaybo ka mid ah bulshadu ku tilmaamaan tan iyo markii la sameeyay ururka golayasha deegaanka dalka  oo uu Maayarku u yahay gudoomiye  uu noqday boqorka shinida oo kale. Maayar jiciir, wuxuu  isagoo qoslaya ku jawaabay, “Horta waxbaa ka jira oo raggaasi ka yaabnay ee ay marba yidhaahdaan waxbaa la ridayaa ayaanu samaynay Ururkaa, waxaanu ahayn todobada magaalo ee ugu waaweyn Somaliland, waana Urur caana oo aduunka oo dhan ka jira, waxaanu u samaynay Xafiis iyo inaanu wada tashi samayno oo iska ridno kuwan mar walba wax ridaya, aduunkana wax la qabsano anaguna isku kaashano oo qolo walba waxay u baahan tahay laga caawiyo. Hada wadooyinka oo kale Burco way naga qaadatay oo waata wada, Boorame  way naga qaadatay oo shaqaalahayga ayaan u diraa, mararna qalabka ayaan u diraa, ama tababaro ayaan siinaa. Markaa runtii samaynta Ururkaa dawlaha Hoose wax weyn ayuu taray ayaan odhan karaa.”  la soco qaybt kale oo xiisa bada.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>