Boorama-(ANN)- Agaasime guud oo ka mid ahaa xubno uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku magacaabay digreetooyinkii uu toddobaadkan horraantiisii isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, ayaa iku gacansaydhay  xilka

 

loo magacaabay.

Maxamed Sh.Xasan Nuuriye, oo uu Madaxweynuhu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, ayaa is casilay, ka dib markii siduu sheegay uu ku qanci waayey xilkaas. Maxamed Sheekh Nuuriye, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Huteel Rays ee magaalada Booama, ayaa sheegay in aanu ku qaranacsanayn xilka dhawaan Madaxwaynuhu u magacaabay, waxaanu ku sabobeeyey ka noqoshadiisa in ay waayo-aragnimadiisa shaqo iyo aqooneed ka sarreeyaan mansabka loo magacaabay.

Maxamed Sheekh, waxa uu Warbaahinta u soo bandihgay Dhukummantiyo muujinaya shaqooyinka uu soo qobtay, xilalka uu ka qabtay Xukuumihii Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale, heerkiisa aqooneed. Waxaana nuxurka qoraalladaasi muujinayeen xil kasta markii loo dhiibay iyo inta uu hayay, sida uu ku soo warramayo Weriyaha Ogaal ee Boorama. “Anigu xilalka aan soo qabtay iyo mid walba intaan hayey waxay yihiin sidan:-1971 illaa 1980 = Agaasimaha Wasaaradda Arrihama dibadda iyo iskaashiga Dhaqaalaha ee Soomaaliya. 1984 illaa 1988 = Ambasadorka Canada ee Soomaaliya. 1988 illaa 1991 = Ambasadorka Nigeria ee Soomaaliya. Burburkii ka dib waxa aan shaqo ka helay UN-ka waxaanan ka hawl gali jirey Waqooyiga Ciraaq. 2003 illaa 2007 = La-taliyaha Dhaqaalaha ee Waasaradda Qorshaynta Qaranka ee Somaliland. 2007 illaa Xukuumadda cusub = Wakiilka Somaliland ee Waddanka Ethipia.” Ayuu yidhi Maxamed Sh. Xasan Nuuriye.

Balse xilliga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay, waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxwaynaha oo uu xusay inay ka wadahadleen in xil diyaar u yahay. Waxa kale oo uu sheegay in ay arrintaasi ka dhalatay xidhiidh hore oo ka dhexeeyey isaga iyo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo xilligii Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo ay xilal ka soo wada qabteen labadoodu wakhtiyo isku dhaw. Hase ahaatee,  Maxamed Sheekh Xasan, waxa uu sheegay habeennimadii ka horreysay ku dhawaaqista xilka loo magacaabay in lala soo xidhiidhay, isla markaana loo sheegay in loo magacaabayo Agaasime guud, kaasoo uu caddeeyey inuu isaguna Aqbalay. Balse waxa uu ka cudur-daartay aqbalaaddaas oo uu ku sababeeyey cudur-daarkiisa in uu waqtiga uu aqbal uu hurdo ku jiray. “Waan aqbalay markii la ii sheegay in xil la ii magacaabay, laakiin wakhtiga la ii sheegayey waan hurday,  balse subaxnimadii markii aan dib u eegay way ila noqon wayday, isla markaana markii aan la tashi sameeyey wuu ii cuntami waayey xilkaasi, waanan iska casilay.”  Ayuu yidhi Maxamed Sh. Xasan Nuuriye.

Masuulka is-casilay oo hadlakiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) sida uu ii ixtiraamay.” Waxaanu Carrabka ku dhuftay in uu diyaar u yahay haddii loo magacaabo xil u dhigma illaa heer Wasiir. Waxa kale oo uu intaa ku daray haddii ay taasi dhici waydo inuu wakhtigiisa uga faa;idayn doono Ardayda Jaamacadda iyo in uu samayn doono Machad lagu barto Dimuqraaddiyadda, sidoo kalena  uu qori doono Buug taariikh nololeedkiisa ah ka hadlaya.

Here ayaa xiligii uu madaxweyne Siilaanyo ugu dhawaaqay xukuumaddiisa dhamaadkii sannadkii hore waxa sidan oo kale ku gacansaydhay Sheekh C/llaahi  Sheekh Cali Jawhar oo gobolkaa kasoo jeeda,kadib markii uu ka cudurdaartay gudoomiyaha diiwaanka Zekada Somaliland oo madaxweynuhu u magcaabay.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *