Hargeysa-(ANN)- Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, ayaa wajahadda xarunteeda ku taal badhtamaha Caasimadda ka caydhisay koox ka mid ah iibiyayaasha wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa.Tallaabada shirkadda Telesom kula kacday dhallinyarada ka ganacsatada iibinta

 

wargeysyada, ayaa

ka dhalatay markii ay soo xidheen garammo xayaysiis ah oo shirkadda Dahabshiil siisay, taasoo ka cadhaysiisay shirkadda Telesom oo loolan adagi u dhexeeyo Dahabshiil, una diidday dhallinyaradaasi inay joornaalka ku hor iibiyaan.

Qaar ka mid ah dhallinyaradan oo shebekadda Berberanews uga warramay sababta ay Telesom ula hortegeen muuqaallada xayaysiisyada Dahabshiil, maaddaama uu tartan u dhexeeyo labada shirkadood.

“Waxa jiray urur aanu dhawaan aas-aasnay oo ay ku bahoobeen dhallinyarada wargeysyada ku iibiya suuqada Hargeysa, ka dibna waxaannu shirkadda Dahabshiil ka codsanay inay naga caawiyaan qalabaynta xafiis aanu sammaysanay, iyadoo shirkadu codsigayaga tixgelinaysa waxay noo qalabaysay xafiiskayagii, waxaanay naga codsadeen inaanu xidhanno garammo ay Dahabshiil ku qorantahay oo aanu iyagana intaa xayaysiis uga dhigno, taasoo aanu ka aqbalnay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyarada oo codsaday inaan magaciisa la baahin.

Wiilku waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Markii aannu saaka ku shaqo tagnay garammadii Dahabshiil noogu deeqday waxa dhacday in Shirkadda Telesom ka cadhooto oo naga erido goobtii wajahaddeeda ee aannu wargeysyada ku iibinaynay, waxaanay noo keeneen garammo ay iyagu leeyihiin oo yidhaahdeen ‘xidha haddii aad rabtaan inaannu idiin ogolaanno wajahaddayada’ sidaa darteedna ay qaar naga mid ahi ku xidheen garammaantii Telesom.”

Shirkadaha Telesom oo iyadu ah hormoodka isgaadhsiinta Somaliland iyo Dahabshiil oo caan ku ah xawilaadda lacagaha, ayaa sannadihii u danbeeyay waxa soo if-baxay tartan xoog leh oo ka dhex-qarxay, ka dib markii midba ka kale ku farogeliyay shaqo gaar u ahaan jirtay.

Xuddunta tartanka iyo isku-fiirsashada labada shirkadood waxa uu bilaabmay markii shirkadda isgaadhsiinta Telesom keentay adeegga Zaad oo ah nidaam-xawilaadeed ku cusub Somaliland oo lacagta moobilka khadka Telesom laysugu diro ama xawilo, taasoo shirkadda Dahabshiil u aragtay in Telesom ku faro-gelisay shaqadii ay haysay, ka dibna ay ku dhalatay in Dahabshiil laftiisuna abuuro shirkadda isgaadhsiinta Somtel oo hadda ka shaqaysa Somaliland.

Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, ayaa si ay isugu soo dhawayso labadan shirkadood waxay sammaysay ka shaqayn badan ka dib, in labadaa shirkadood si wada jira heshiis ugu siiso wershad labaad oo sibidhka soo saarta in laga hirgeliyo Berbera, haseyeeshee taasi waxay hal bacaad lagu lisay noqotay markii shirkadda Telesom ka baxday heshiiskaas, iyadoo Telesom ka-noqoshadeeda heshiiskaas ku sababaysa mid xaalad nabadgelyo darro ka abuuri kara gobolka Saaxil.

Si kastana ka ahaatee isbar-bar yaaca iyo kala-xadayn la’aanta ganacsiga Somaliland, ayaa hadduu sidan ku sii socda sababi kara hoos u dhac amma burbur dhaqaale ku habsada shirkadaha amma ganacsiyada isku midka ahi inay isla degaan, sida wershadihii saabuunta Burco ee layska daba keenay iyo kuwo la mid ah.

berberanews

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *