Washington(ANN) Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Ciise Xaaji Xamari ayaa shaaca ka qaaday in doorashadii golayaasha deegaanka ay u dabran tahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inay muddo dheer ka sugayeen inuu go’aan cad ka soo saaro in

 

ururadii siyaasada la furayo, isla markaana ay doorashadaasi ka qayb galayaan isagoo intaa ku daray, in muddadii lixda bilood ahayd ee loogu diyaar garoobi lahaa doorashada ay ku dhamaadeen aamuska xukuumadda, tilmaamayna haddii ururada siyaasada la furo inaanay sanadkan gudihiisa aanay dalka ka qabsoomayn doorashooyinkii deegaanadu.
Gudoomiyaha Komishanku waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinkii ay qaban lahaayeen ay u garba duuban yihiin mawqif la’aanta xukuumadda ee ku wajahan ururada.
Mr Xamari waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay uu waraysi siiyay idaacada laanta afsoomaaliga ee VOA, kaas oo ku sugan dalka Maraykanka, waxaanu yidhi isaga oo arimahaasi ka hadlaya “Anagu (Komishan ahaan) horaantii sanadkan 2011-ka ayaanu nidhi waanu ku qaban karnaa doorashooyinka sanadkan gudihiisa ilaa wakhtigaa iyo imikana waxaanu ka sugaynay war cad in xukuumadu kasoo saarto in ururadii la furayo siyaasada iyo inaan la furayn”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Ilaa hada Madaxweynuhu wax go’aan ah oo kasoo baxay in ururadii la furayo ma jirto, hase yeeshee guddidii talo bixinta ayaa iyagu soo jeediyay in ururadii la furo haddii ay sidaa u dhacdana sanadkan doorasho qabsoomaysaa ma jirto maxaa yeelay wakhtiga hadhsan awgeed waxa lagu jiraa bishii lixaad, markii aanu doorashada ka hadlaynayna waxay ahayd sanadkan horaantiisii, lixdaa bilood ee loo diyaar garoobi lahaa doorashada waxa riixay aamuska aan ilaa wakhtigan xukuumada war cad laga helin, ilaa hada ma kala cada waxa lagaga talo gali karo habka doorashadaasi loo gali doono, waana arrimaha na garbo duubay ee aanu u cadilanahay xitaa suurto galnimada saddexdii xisbi ay ku gali lahaayeen doorashada ayaa imika wakhtigeedii cidhiidhi ku jirtaa, doorashadiina waxay u xaniban tahay qabsoomideedu xukuumadda oo aan wax go’aan ahi kasoo bixin in ururada la furayo iyo inaan la furayn, marka arrinkaasi war cad laga helo ayuun baa lagu talo gali karaa” sidaas ayuu yidhi gudoomiyaha komishanka doorashooyinku Ciise Xamari oo socdaal shaqo ku jooga dalka USA.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *