Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen  maanta  cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobada xubnood oo Madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magacaabay inay noqdaan  gudida diiwan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka.Sidoo kale

waxa goluhu ansixiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Wasiirul dawlaha arrimaha debeda oo iyagana golaha la horkeenay saaka.  Fadhiga golaha oo uu  gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) waxaa kasoo Xaadiray 59 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xubnood ee golaha wakiiladu ka kooban yahay.
Ka hor intii aan golaha cod loo weydiin xubnaha gudida, waxay   madashaa fadhiga kasoo xaadiray  warbixin ka dhagaysteen gudi hoosaadka nabadgalyada iyo difaaca ee golaha Wakiilada oo tafaasiil ka bixiyay tilmaamaha ay yeelanayaan Todobada Xubnood ee Madaxweynuhu u magacaabay gudida diiwaangelinta ururada siyaasada waxayna  gebagebada warbixintooda kaga codsadeen golaha in la ansixiyo gudidaa. Markaa kadib waxa mudanayaasha loo akhriyay  Sooyaalka taariikheed,Waayo aragnimada shaqo iyo Warqada cadaynta danbi la’aanta ee Xubnahaa oo mid mid loo akhiriyay.

Gudooyiha golaha ayaa xubnaha gudida taariikh nololeedkooda kadib u weydiiyay golaha in mid mid loogu codeeyo Todobada Xubnood ee diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka, kuwaas  oo cod aqlabiyad ah ku baxay dhamaantood. Markii ay cod gacan taag ah ku meel mariyeen mudanayaasha madasha fadhiga kasoo xaadiray.
Todobadan Xubnood ee gudida diiwan gelinta ururada siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa magacyadoodu kala yihiin sidan:-
1        Cabdalle Ibraahim Maxamed
2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4.      Cumar Xasan Jaamac
5.       Maxamed Cabdi Maalik
6.      Aadan Geedi Qayaad
7.       Ismaaciil Cabdillaahi Cali
Dhinaca kale Waxay xildhibaanada golaha wakiiladu cod gacan taag ah ku ansixiyeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland.Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo intii aan xilkan loo magacaabin ka tirsanaa aqalka Wakiilada,  waxaana  ogolaaday 57 Xildhibaan hal Mudane ayaa ka aamusay cid diidayna ma ay jirin ,gudoomiyuhuna muu codayn.
Sidoo kale Wasiirul dawlaha arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan ayaa waxaa ogolaaday ansixintiisa 58 Xildhibaan cid Diiday iyo cid ka aamustay ma ay jirin gudoomiyuhuna ma codayn.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *