Hargeysa(ANN)Wefdiga uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo mudo todobaad ah booqasho ugu maqnaa China ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Kadib markii ay soo dhamaysteen hawlihii shaqo ee ay halkaa u tageen. Magaalada Wajaale ee

 

Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay  wefdiga  uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Weftiga Kulmiye ayaa safar dhinaca dhulka ah maanta kaga soo talaabay xadka labada dal. Kadib markii ay  magaalada Jig-jiga ee xarunta  Killalka shanaad ee Ethiopia, kasoo boqooleen, iyadoo magaalada Wajaale kusoo dhaweeyeen  xubno ka tirsan madaxda Xisbiga Kulmiye, saraakiil ka tirsan Hay’addaha Dawlada, maamulka Gobolka Gabiley, Maayaradda  Gabiley iyo Wajaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Wajaale.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo Degmada Wajaale dadkii soo dhaweeyay kala hadlay goob Fagaare ah oo ku taala Badhtamaha Magaalada, ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo yidhi,  “ aad  iyo aad ayaan idiinka Mahad- celinayaa soo dhaweynta diiran ee aad nagu qaabisheen Reer Wajaale maanta iyo mar kasta oo aanu idiin nimaadnaba  arrimo badan dartood, madaxda kale ee Xisbiga iyo dawlada ka socda ee iyaguna na soo dhaweeyay waanu u mahad celinaynaa”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Muj. Muuse waxa uu faahfaahin Kooban ka bixiyay Socdaalkii ay isaga iyo weftigiisu ku tageen dalka China iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu ka xusi karo wixii ay kala kulmeen, wuxuuna yidhi,  “waxaanu tagnay dalka China oo laga yaabo in badan oo idinka mid ahi inay dhegta uun ka maqleen, halkaasoo aanu  ugu tagnay umad si weyn u danaynaysa Somaliland  oo jecel inay wax la qabsadaan, kuwaasoo aanu filayno inay qaarkood dhawaan dalka iman doonaan oo maal-gashi ka samaysan doonaan, gaar ahaan qolyaha ganacsatada ah oo aad u daynaya inay dalka wax ka qabsadaan”.

Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Muj.  Maxamed Kaahin Axmed  oo ka mid ahaa Weftiga Gudoomiyaha  ayaa markii ay soo gaadheen Hargeysa Warbaahinta uga waramay natiijada ka soo baxday booqashadii ay ku tageen dalka China, wuxuuna isagoo ka hadlaya waxyaabaha ay kala hadleen madaxdii iyo dadkii kale ee ay la kulmeen yidhi, ”waxaanu kala hadalnay madaxdii aanu la kulanay ee China iyo Ganacsatadoodaba sidii ay Somaliland iskaashi ugala samayn lahaayeen arrimaha Maal-gashiga , la dagaalanka Budhcad badeeda, argagixisada  iyo ilaalin guud ahaan amaanka Baddaha, arrimahaas oo dhamaantood aanu si fiican isugu af-garanay, markaa intaasi waa warkayaga hor dhaciisii wixii kalena marka aanu Xukuumadda iyo dawlada kaleba is aragno ayaanu idiin sheegaynaa”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Madaxda Xisbiga Kulmiye waxay Dalka China u ambabaxeen  todobaad ka hor, iyagoo intii ay dalkaasi ku sugnaayeena kulamo la yeeshay madax ka tirsan dawlada China iyo ganacsato u dhashay dalkaa, kuwaas oo sida ay sheegeen kala hadleen sidii ay Somaliland iyo China  u yeelan lahaayeen iskaashi Siyaasadeed iyo mid dhaqaale mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.

Weftiga Guddoomiyaha waxa kale oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka  Gabiley iyo Wajaale. Weftiga  waxa xubno ka ahaa Afhayeenka xisbiga KULMIYE  Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi dheere oo ka mid ah qurbo-jooga xisbiga KULMIYE.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *